Diidey Reernimo (Gabay Wadani By Nageeye Cali Khaliif Akhri+ Maqal)

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

nageeye

Diidey Reernimo

Cabdiyoow danqaarada wakhtigu, ways dakinayaaye
Hammi durugsan dood gaaban iyo, ficil dadaalaaya
Dad is jecel dulqaad iyo midnimo, dawladnimo taam ah
Haddii aad mar uun door biddaan, waynnu degi layne.

Guulaha dariiq loo mariyo, daw cad baa jira’e
Iska daba wareeg baynnu nahay, daayin abidkeede
Anigana duruuftiyo xilligu, ii daliil noqoye
Diihaalka muuqiyo Cabdoow, diiftan igu taalla
Dunji igu fogaadaa jiroon, cidi dareemayne
Waagii dillaacaba tashigu, iga dun roonaaye.

Dumar hawlahoodiyo xarrago, waan ka didayaaye
In aan duunyo iyo maal dhaqdana, siima doorbida’e
Damqashada waxaa iigu wacan, doqoni waa mooge.

Dalkeennaa la qaybsaday dhulkaa, cadawgu daaqaayo
Dadkeennaa la kala ooday ee, dayrka lagu meershey
Reerahan intay duub tosheen, dawladnimo sheegtey
Hadba nabarro doog igu kacshaan, meel la duubnahaye
Waxaan ahay nin daalaadhacoo, ceel ku soo dumaye.

Soomaalida waxaa dooriyaan, kuu dulmarayaaye;
Taariikhda duugga ah haddaan, dib uga faalloodo
Cudud iyo dagaal laguma hanan, degelladeediiye.

Markii ay dariiqii Alliyo, diinti ka carraawday
Markii ay siyaasiga dardaran, heello daba qaadday
Markii ay wixii lagu dayaba, “diiday!” odhan wayday
Dillaal iyo mallaalnimo markii, doollar lagu baaday
Markii uu gumeysigu dagay, gaalka derejeeysey
Markii uu damiirkiyo caqligu, digigixoon waayay
Markii uu hankeedii debcay, dib isu soo eegtey
Dakanooyinkii loo dhigey, degashanaysaaye.

Haddaan duurxulkaygiyo murtida, ereyga kuu dooxo;
Dulleeysiga shisheeyahaba waw, debecsanaataane
Gaaladu waxay damacsantahay, abid ma diiddaane
Haddiise dooddu hebel taagantiyo, deris walaalkaa ah
Markaasaynnu dhiig daadinnaa, oo is dubannaaye.

Gumeeystuhu sidii kuu dekanay, doqoni waa mooge
Duhurkiyo habeenkaba warmuu, kuu diyaarsadaye
Dibindaabyadaaduu wax badan, kuba dadaalaaye
Dugsi nabad ah in aad seexataa, wuu ka didayaaye
Hammi durugsan buu leeyihiyo, duruqyo dhaadheere
Dalkeennaba in uu qaata buu, duubka ku hayaaye
Dayacnaantan Soomaali heley, diiftan nagu raagtay
Waxaa nagaga sii daran haddaan, idin dareensiiyo
Innagaan wixii nalagu dagay, “daaya!” garanayne.

Inta aynnu dood been ah iyo, hebel difaacaynno
Daciifnimo liidnimo intaan, derejo moodaynno
Dakanaha dhexdeenna ah intaan, hanad u dooxaynno
Deelqaaf xigaalnimo intaan, dil isu quudhaynno
Siyaasiga dayuuska ah intaan, daba guclaynaynno
Dadnimo iyo guul aad heshaan, iima daalacine
Dabac caanaheedii rag baa, duub ka buuxsadaye
Waa kaa dalkeennii wacnaa, lagu danaystaaye
Damiir yeelo Soomaaliyeey, waa dayacanteene!

Afartaasi waa doodda hore, shayna ii dihine;
Doqon baan wuxuu damacsanyahay, diirka ka caddeeyne
Degmadii Jabuutiyo Cartiyo, guri Dumayroo dhan
Dirirdhabe Awaariyo ilaa, Sagag duleedkeeda
Durdurkii Qallaafiyo ilaa, Doollo iyo Faafan
Sayidkii halkii uu dagiyo, Iimey darafkeeda
Dannood iyo Wardheer iyo ilaa, Gaarisiyo dawga
Dhagaxbuur dusheediyo ilaa, webiga daaciisa
Darrooriyo halkii aan ku koray, Sugumo duudkooda
Qabridahare doonyaha Afdheer, dawga Labi-hawle
Degelkii Nagayliyo Gurracan, damalka Laasaale
Diinsoor ilaa dawga Sheekh, Alamsay daaceeda
Duleeddada Hargeysiyo Burciyo, dooxyadii Adari
Dekaddii Kismaayiyo Jubboo, hirar dawaamaaya
Xamar doonyaheediyo Nugaal, labada daaroodba
Gaalkacyo labadeeda daraf, ee la kala dayray
Soomaalidu geyiga ay degtiyo, degelladeedoo dhan
Midnimaan la doondoonayaa, door ay gaadhaba’e.

Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan ku soo dayray;
Suugaantu waa deeq Alliyo, diiqo gooni ahe
Waligeed rag baa dilahayoo, lagu danaystaaye
Niman baa halkii doog leh iyo, saac ku daydaya’e
Dufan iyo rag baa shilimmo iyo, duunyo dhaafsada’e.

Hayeeshee haddaan dood rasmi ah, diirka ka caddeeyo;
Waa iga digniin iyo wax sheeg, duurxul iyo faane
Dirham iyo haddii doollar iyo, dahab la soo xaadho
Dillaalnimo haddii laygu dayo, amase doolaalo
Dunidaba dhammaanteed haddii, derejo lay siiyo
Hal-abuur dadkiisa u hadloo, daacadaan ahaye
Damacaygu waa dhaafsanyahay, duunyo iyo maale
Danta guud nin lagu aamminoo, door ah baan ahaye
Iska doodi maayee runtaan, kuu dul marayaaye
Qarankeennii dumay baan u ahay, raacdo loo diraye
Waxba daasad hay tumina waan, diidey reernimo’e!

Nageeye Cali Khaliif 2016