Dooda Puntland Baa Dayacday Gobalada SSC iyo kala arragti duwanaahasha siyaasadda ee siyaasiyiinta SSC iyo Kuwa Aan SSC ka soo jeedin (Falanqayn)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada ssc ayaa inta badan ku eedaya in markii maamulka Puntland ay beelaha Daaroodku wada shisteen 1998 ay sabab u noqotay in deegaanada ssc ay qabsato Somaliland.

Waa dood muhiima oo u baahan in si fiican loo fallanqeeyo

Aanu laba dhanba ka eegno.

Dhanka Siyaasiyiinta aan kasoo jeedin deegaanada ssc ayaa ku dooda.

Haddii aan wada dhisanay maamulka Puntland, waxaan qaybsanay xildhibaanadii Golaha sharci dajinta ee ka koobnaa 66-da xildhibaan, waxayna qaateen Gobalada ssc 27 xildhibaan taasi oo ka dhigan 40% haddii aad tirada boqolayda ku eegtid ama 27/66*100= 40%. Halkaan ka eeg

Halka dhammaan xildhibaanadii kale ee beesha daarood iyo waliba beelo badan oo aan Daarood ahayn oo deegaanada Puntland waxka dega ay qaaateen 60% ama 39 Xildhibaan, waxayna is dheeryihiin 12 xildhibaan haddii 39-27=12.
Dhanka kale haddaad dhanka Maapka ka eegtid waxaad is oranaysaa odayaashii shaxda qaybshay dhanka Maapka ayay ka eegeen, halkaan ka eeg Mapka ay odayaashu waxku qaybsheen

Hadaba siyaasiyiinta aan ka soo jeedin deegaanada ssc ayaa ku dooda horta maxaad maamulka Puntland u xijisaan dhanka beesha Majeerteen, ma cid baa idinka xigtay in aad la timaadaan Musharax Madaxwayne oo wareegga koobaadba 51% ku qaada oo kaliye u baahnaa 27 xildhibaan ee gobalada ssc iyo kaliya 6 xildhibaan oo dheeriya.

Waayo ninka siyaasigaa ee noqday musharaxa waxaa codka siiyay xidhibaanada kasoo jeeda Gobalada ssc, ninkaas markuu Madaxwaynaha noqdo waxaa la xisaabtamaya Golaha wakiilada ee doortay oo kaliya oo shacabka caadigaa ee reer Puntland waxba kama qaban karraan.

Waxaana intii ay Puntland jiray Puntland jagada Madaxwayne ku xigeenka, gudoonka Baarlamaanka iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Puntland u hayay siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada ssc, marka laga reebo xukuumaddii faroole oo Ilka Jiir U tartamayay Jagada Madaxwayne.

Siyaasiyiinta dhanka SSC ayaa ku dooda.
Markii aan Puntland wada dhisanay waxaan u wada dhisanay Puntland sidii maamul aan wada leenahay, laakiin intii ay Puntland jirtay waxaa hogaankeeda maamulayay Beesha majeerteen.

Hadana markii Laascaanood la qabsaday beesha Majeerteen ugama damqan sidii in la qabsaday deegaan ay leeyihiin, oo haddii Gaalkacyo laga qabsan lahaa sida ay ugu gurman lahaayeen nowguma aysan Gurman..

Hadaba xaggee ayay doodaan iska qaban la’dahay.

Deegaanada ssc ayaa waxaa ku lugleh siyaasado shisheeye oo waxaa jira dawlado juhdi badan galiya in Soomaalida la kala qaybsho, gaar ahaan beesha Daarood lakala qaybsho.

Waxaa kaloo jira siyaasiin kasoo jeeda deegaanada ssc oo iyana qayb ka ah maamulka Somaliland.

Deegaanada ssc waxaa juhdi fara badan galiya maamulka Soomaaliland oo aaminsan in aan la aqoonsanayn haddii aynan xoog ama xeelad ku qabsan deegaanada ssc, waxayna galliyaan 30% kharashaadka soo gala Soomaaliland.

Waxaa iyana juhdi galiya in beelaha ssc la raaciyo Somaliland beelaha habargidir oo uu xifaltan siyaasadeed ka dhexeeyo beesha Majeerteen.

Waxaana iyana jirtay in dawlado shisheeye ay juhdi farabadan gallinayeen in Soomaaliya la bahdilo, iyagoo u arkay in markaas deegaanada ssc ay yihiin goob muhiim ah oo siyaasadda Soomaaliya muhiim ka ah.

Waxaa iyana saamaynteeda leh beelaha ssc iyo beesha isaaq oo ah dad waligood wada deganaa oo wiil iyo abti isku ah oo is dhaqan yaqaan.

Waxayna siyaasiyiinta beesha Isaaq ka faa-iidaysteen aqoonta dheerigaa ee ay u leeyihiin beelaha ssc oo intooda badan wiil iyo abti isku ah.

Xildhibaanada beelaha ssc ee Soomaaliand ayaa ah 18 xildhibaan oo ka mid ah 82-da xildhibaan ee Somaliland oo ka dhigain in ay beelaha ssc xildhibaanada Soomaaliland ku leeyihiin 20% boqolay ahaan halkaan ka eeg

Waxaa kaloo iyana saamaynteeda leh arrimaha Batroolka oo ah faktorka ugu wayn oo ka mid ah waxa Soomaaliya ay dawladeedu la burburtay iyadoo la aaminsanyahay shirkadaha Maafiyada ah ee dhaca macdanta dalalka sookoraya in ay door wayn ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan deeganada ssc ayaa lagu tirayaa deegaanada uu Batroolku ceegaago.

Arrimahan oo idil baad mooddaa in aynan si hoose u eegin siyaasiin qaarkood marka ay makarafoonka qaataan.

Xalka Caafimaadka qaba.
Inkastoo aan dunidan markaad si fiican u eegtid ay gacmaha maamula kaliya ka shaqeeyaan in ay marba koox maamulka u dhiibtaan halka kooxda kale la dulmo, si markaas ayaamo kadibna kooxda kale iyana markooda lowgu dhiibo oo saas waqtigii ku dhamaado iyagoo isku maqan.

Xalka wanaagsan ee Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa iyadoo maamul Federaal ah loo sameeyo, dabadeedno deegaanadaan ssc loo sameeyo maamul Gobaleed hoostaga Federaalka, taasi oo aad moodid in ay xal dhexe u noqonlahayd.

Laakiin hadda wuxuu waqtigu ku dhamaan doonaa iyadoo qolona kadcdoon tahay qolona dawlad samayn ku mashquulsanyahay, waqtiguna saas ku dhamaan.
Waxaana wanaagsan in qolooyinka Soomaaliya xiiseeya loo sheego in sida kaliya ee Soomaali ku dagi karto ay tahay siyaasad cadaadaladeed oo aan qolana la dulmin.

Inta badan siyaasiyadda Maraykanka ayaad mooddaa in ku salaysantahay in dalalka africa ay qabiil iyo kooxyar oo dal xukuma si dadban ugu taageeraan iyadoo dadkii kalena la dulmayo, iyadoo siyaasadda ka danbaysa ay tahay markii kooxdaas ayaamo ay xukunka hayaan ee ay indhuhu u furmaan oo siyaasadda aduunka waxka fahmaan markaas lagu soo kiciyo kooxdii kale ee dulmanayd si loo burburiyo ilbaxnimadii kooxdii hore, oo meeshii loo keeeno koox aan ilbax ahayn oo hadda iyo kow hawshii hadana meeshii 10 sano ka hor la joogay hawshii ka billaaba.

Waxaana wanaagsanaan lahayd in marka hore la dhiso wax ay raali ka wada yihiin dadka deegaanka illaahay kuwada abuuray oo markaas si daacada nidaamka loo wada dhisto heshiisna lagu yahay si aan wixii loo burburin oo ay meesha xadaarad uga dhalato ee aan maalinkasta wixii la burburin.

hadaad matalan dhanka itoobiya ka eegtid waxaad mooddaa in hadda la burburinyo xadaaraddii Tigreega maadaama ay qaangaartay, waa in la burburiyaa oo mid cusub meesha la keenaa.

Waraysi Garaad Jaamac Madasha 60 oo uu arrimaha kore ka hadlayo

One Response to Dooda Puntland Baa Dayacday Gobalada SSC iyo kala arragti duwanaahasha siyaasadda ee siyaasiyiinta SSC iyo Kuwa Aan SSC ka soo jeedin (Falanqayn)

  1. Pingback: Dooda Puntland Baa Dayacday Gobalada SSC iyo kala arragti duwanaahasha siyaasadda ee siyaasiyiinta SSC iyo Kuwa Aan SSC ka soo jeedin (Falanqayn) - Daily Somalia Report