Doodda Xildhibaan Cabdi Barre iyo Xildhibaan Jeesow dhegeyso oo u garqaad yaa saxsan ???.

Filed under: Wararka |

Soomaalida waxaad mooddaa in aynan wali fahmin micnaha Dawlad nimada, illaa inta ay shacabku fahmayaan xigmadda asalkaa ee dawladnimada walogood dhibta ka biximayaan.

Dawlad sideedaba waa Heshiis ay umadi wada galleen, heshiiskuna waa in sharciyadii lagu heshiiyay aan meelna looga leexan ee hadday khadhaadh tahay iyo hadday macaan tahayba sharciga lagu wada shaqeeyo.

Hadiise laba ruux uu Khilaaf dhexmaro, waxaa lagu yaqaan ninka geesiga ah, in uu ninka garadaran u sheeggo gardaradiisa xitaa hadduu aabbihiis yahay ninka garta lehna garta la siiyo.

Xaggee ka timid DFS.
DFS ma ahan Xukun Milatary oo Dalka Xoog iyo gacan Bir ah ku qabsaday, ee waxay ku timid heshiis muddo dheer meelo badan loosoo fariistay oo looga soo doodday qaabka ay u shaqaynayso

Waxaana lagu heshiiyay in Dastuurkaas ay DFS ku shaqayso.

Su’aasha iswaydiinta mudan waxaa weeye horta yaa saxsanyaaanaya haddii dooddi timaaddo, ma qolada leh arrimaha siyaasadda Soomaalida halagu xaliyo Qaab dhaqan soomaali, mise Qolada aaminsan in aan dhanna looga leexan Dastuurka oo ay Dawladaan ku shaqayso Dastuurka.

Dabcan waxaa saxsanaaya ninka leh aan Dastuurka ku kala baxno, oo ciddii ka leexata Dastuurka waa in la iska qabto.

Hoos ka dhegeyso Doodda labada Xildhibaan ee Cabdi Barre iyo Xil Jeesow.