Doodda Tartanka Madaxwayne ee Maraykanka Oo Caawa Dhexmari Doonta Trump Iyo Clinton (Warbixin Kooban)

Filed under: Wararka |

Trump clinton
Trump iyo Hillery Clinton ayay caawa doodda tartanka madaxwaye ee abid marayka soo martay tii ugu kululayd ku dhexmari doontaa magaalada Newyork.

Doodda ayaa labada musharax lagu waydiin doonaa su’aalo kulul, waxaana doodan xigi doonta laba doodood oo dhici doona bisha oktoobar, markaas ka dib ayaa lagali doonaa doorashadii qof iyo cod iyagoo shacabku si wanaagsan u kala barteen labada musharax.

Nasiib darro Soomaaliya ayaan laga aqoon sidaas oo kale musharaxiinta sidaas oo kale doodo su’aalo lagu waydiinayo la dhex dhigo si loo hubsado kartidooda, laakiin Soomaalida ayaa dhaqan ka dhigtay in mushaxu uu xaashi un ka akhriyo wax xaashida ay qolo kale ugu soo qortay taasi oo aan lagu ogaan karrin kartida musharaxa.

Doodda Trump iyo clinton ayaa dhacaysa caawa marka ay newyork u tahay 9-ka fiidnimo ama 23-ka, halka ay xiligaas Soomaaliya u tahay 4-ta habeenimo waa xili ay dadku jiifaan, laakiin dhamaan idaacdaha iyo Taleefishinada caalamka ayaa live looga daawanayaa

One Response to Doodda Tartanka Madaxwayne ee Maraykanka Oo Caawa Dhexmari Doonta Trump Iyo Clinton (Warbixin Kooban)

  1. Pingback: Doodda Tartanka Madaxwayne ee Maraykanka Oo Caawa Dhexmari Doonta Trump Iyo Clinton (Warbixin Kooban) - Daily Somalia Report