Doorashada France Wareegga Koobaad oo Ay U Gudbeen Le-Pen (Trumka France) iyo Macron Iyo Wareegga Labaad Oo La Qabanayo 7 may 2017 (Warbixin)

Filed under: Important News,Wararka |

France Election Firsr round 2017

Doorashada madaxwaynaha ee France ayaa la qabtaa laba wareeg, wareegga koobbaad ayaa waxaa la tartansiiyaan dhammaan musharaxiinta Madaxwayne, dabadeedna laba musharax ee ugu cod bata ayaa u gudba wareegga labaad.

Hadaba France ayaa waxaa ka dhacday doorasho aad u xamaasad badan maadaama ay wareegga labaad u gudibtay Musharaxadda La-pen oo doonaysa in ay France ka saarto European Union isla markaasna neceb ajaanibta.

La-pen ayaa la yiraahdaa waa Trump-ka France, oo waxay leedahay dabeecadaha Trump.
Waxaana hadda isa soo taraya walwel in ay doorashada soo socota ku guulaysankarto La-pen, taasi oo ka dhiggan burbur European union maadaama ay horay Britain uga baxday, arrinkan ayaa keenay xamaasad culus oo aan waxba la iskula harrin.

Siyaasiyiinta Ingiriiska iyo Kooxaha taageersan Trump iyo Russia ayaa aad u taageersan La-pen, halka Madaxwaynaha Jarmalka, madaxa European Union ay iyana taageersanyihiin Macron.

Isku soo duub wixii la sugaaba waa 7 may oo hadda dagaalkedii lasii tabaabushaysanayo.