Double Agent (Laba Shaarle)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

double agency laba shaarle
Warqadda Yusuf Garaad gudbiyay oo uu uga hadlayo, Uraaniumka Soomaaliya ee la yiri Alshabaab baa Iiraan U gudbiya.
-Raysalwasaaraha iyo Madaxwaynaha Soomaaliya warqadaas markii la qorayay ma ogaayeen mise ma ogayn ?.
-Soomaaliya ma leedahay rag dajiya qorshe siyaasadeed, ma jiraan (Policy makers) ?.
-Arrintii khaliijka ee ay Soomaaliya la ciirciirisay baa looga sii daray oo hadana arrin caalamiya (intranational) bay warqadaasu dhexgallisay.

Marka aan iswaydeennee 156 shirkadood ee degan Xalane waxay qabtaan ma naloo sheegay?, waxaa noosheegay 156-daas shirkadood wasiirka Ganacsiga iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta waa ay tageen xalane iyagaana qiray 156-daas shirkadood, laakiin cida ay yihiin iyo waxa ay qabtaan ma naloo sheegay?, Baarlamaankuse ma ogyahay, Raysalwasaaruhuse ma ogyahay, Madaxwaynuhuse ma ogyahay?.

Hadaba waxaan bidhaaminahayaa in Xalane lagu kala gato, Uraniumka, Red Mercury, Dhagxaanta qaaligaa (precious stones).
Xalane waxaa ka socda bayacmushtari ee ma shabaab baa xalane geeya Uraniumka, mise Iiraan baa Xalane degan, miyuusan Yusuf Garaad ka warqabin, mise waxaa jira dad calooshooda u shaqaysta oo aan dalkaba rabin.

-Mideeda kale diyaaraddii maalintii dhawayd duqaysay Caluuula meel 10 km u jirta, Markabkii Badda Puntland ku qarxay , diyaaradaha markasta soo duula oo Puntland iyo Soomaaliyaba xeebaheeda fariista iyo barigaba.

arrimahaan oo dhan maxaa looga hadli waayay mise dana gaar ahaaneed bay wadaan oo dadka wadanka madaxda u ah waa lala shaqaystaa oo dalkaan cid u danaynaysa lama arko, oo dalkani waa iib.

Mideeda kaleeto Uraniumka dhibaatada ka dhalankarta, xag caafimaad, xag deegaan, xoolo iyo dadba, waxay ahayd in laga waraysto nimankii Geologiestaha ahaa bay ahayd in laga waraysto oo ay sharaxaan waxa ka dhalankara dad iyo duunyahaba, cawaaqibta ka dhalankarta.

-Waxa iga talo ah.
Dawladda federaalkaa iyo maamul gobaleedyada in ay dalkaan waddo saxa ku hogaamiyaan ama xukunka iska dhiibaan.
Haddii kale waxaa halkaas ka cadaanaysa madaxda dalkaan in ay yihiin double agency, laba shaarlayaal oo ay dalal shihseeye u shaqaynayaan.

Talo.
Waxaan dawladda federaalka kula talinahayaa, markii wax la qabanahayo waa in la helaa, xididka arrintaan ku xirantahay, ama argagixiso ha layiraahdo, ama nabad-diid ama cidkale.
-Meesha laga raadinahayo waa in ay Soomaaliya noqoto, oo markaaas haddii ay Soomaaliya awoodi waydo ay markaas si madaxbanaan kaalmo u waydiisato ciddii ay isleedahay waxbay ka qabankaraan,laakiin aan bussiness laga dhiagan arrintaas

Qore Warsame Axmed
Qoraaladii hore ee Warsame Axmed

2 Responses to Double Agent (Laba Shaarle)