Dr Abdirahman Bayle oo kashifay qorshaha Damjadiid iyo Dekadaha ay doonayaan in ay ka dhisaan, Cadale, Ceeldheer, Hobyo, Marka iyo Lughaye (Qormo falanqayn iyo Muuqaal iyo Maqal))

Filed under: Important News,Wararka |

Dr Abdirahman Bayle oo kashifay qorshaha Damjadiid iyo Dekadaha ay doonayaan in ay ka dhisaan, Cadale, Ceeldheer, Hobyo, Marka iyo Lughaye.

Inkastoo ay badan yihiin asbaabaha sababay Burburka Soomaaliya, hadana waxyaalihii ugu waawaynaa waxaa ka mid ahaa Cadaalad darro, Eex, Xukun Boob iyo Kaligitalisnimo.

Xalka Soomaaliya uma Baahna dekada la shiso iyo Wadooyin la dhiso ee waxay u baahanyihiin Maamul iyo xukuumad iyo Nidam wadaag iyo wadatashi ku shisan oo ka Madax banaan Madaxwayne awooddii Booba, ka madax banaan koox Awooddii dalka Boobta, Soomaali hadalada macaan iyo Khudbaha bilaa micnaha ah uma baahna ee waxay u baahanyihiin wax wadawadaag, isla xisaabtan iyo xukunka oo sharciga iyo shacabka lagu saleeyo ee aan shakhsiyaad waxwalba laga sugin.

Madaxdii Xukuumaddii Siyaad Barre ayaa awal eed badan loo saari jiray in ay cadaalad darro iyo hab eexaysan oo Beelaha qaar u janjeera ay
wax u maamuli jirtay Xukuumaddii Siyaad Barre, waana asbaabta ugu wayn ee ay meesha aaminaaddii uga baxday isla markaana
uu dalkii aakhirkii la burburay, siyaad Barre wdooyin iyo warshado badan waa dhisay laakiin xaggee ku danbeeyeen, maxay soo kordhinaysaa haddii kuwo cusub la dhiso iyadoon bulshada dhaqan wanaageeda iyo wadajirkeeda laga shaqayn. .

Marka ay Madaxda Xukunka boobaan oo waxwalba si kali talisnimo ah u maamulaan ayay aakhirka Qabyaalad kula cararaan xukuumadooda si ay
gabaad uga hellaan.

Hadaba waxay ahayd in Soomaali ku cibra qaataan cadaalad darooyinkii burburiyay dawladdii Soomaaliya

Dr Bayle wasiirkii Hore ee arrimaha dibadda oo Qurbajoogta Soomaalida ee Canada uga waramayay Qorshihisii waxqabad ee wasaaradiisa ayaa
ka shifay qorshihii u dagsanaa iyo deegaanada ay xukuumadda Damjadiid damacsanayd in ay ka dhisaan Dekado Caalamiya.

Wuxuu sheegay bayle in Cadale iyo Marka ay doonayaan in ay ka dhisaan laba dakadood oo Caalamiya, halka Hobyo iyo Ceel dheer iyo Lughaya ay Doonayaan
in ay ka dhisaan dekado iyo wadooyin.

Bayle ayaa sidii asagoo caruur yar yar wax u sheegaya ku daray Dekadaha Caalamiga laga dhigayo Boosaaso Barbara Muqdisho iyo Barbara, oo kaalay Dekadahaas hadayba Caalami yihiin ee maad runta sheegtid oo tiraahdo , waxaan dhisaynaa Cadale, Ceel dheer, Hobyo, Marka iyo Lughaya

Shaxda Dr Bayle ayaa ah mid aan ka tarjumayn mid Soomaali dhex u ah, balse mid u xaglinaysa Qolo gaara ah oo aan la orankarin DFS waa
mid ay Soomaali wada leedahay.
Cadale iyo Ceel dheer waa laba dagmo oo 100 km isku jira oo uu ka soo jeedo Xasan Sheekh.

Dhanka kale waxaa ay Soomaali oo dhan wada xasuustaan markii la dhisayay Maamulada Galmudug iyo Jubbaland sida ay wax u maamushay Xukuumadda Xasan Culusow.

Marka wasiir bayle hadala uu ku hadlayaa maxay soo kordhinayaan haddii aannu miiska soo dhigayn sida saxdaa ee Soomaali u wadaagi lahayd
waxyaalaha dhexda u ah sida mashaariicda Dawladda FDS oo hadda aan si daacada loo maamulayn


Halkaan ka daawo barnaamijka oo dhamaystiran

Puntlandobserver Desk