Dr Baadiyow: oo waraysi xiise iyo Xigmad badan bixiyay oo sifiican u sharaxay ruuxa u qalma in uu Soomaaliya Hogaamiyo(Daawo)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Dr Baadiyow ayaa wuxuu aad u aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay in ay Soomaalida iska hubiyaan oo taariikhdiisa soo baaraan ruuxa ay Hogaamiyaha ka dhiganayaan.

Dr baadiyow ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada in la raaco Dastuurkii lagu heshiiyay

Dr Baadiyow ayaa sheegay in Xasan Sheekh aannu lahayn karti uu Soomaali ku hogaamiyo, sidaa aawadeed ay habboontahay in uu is casillo, waayo malaha karti uu shacabkaan ku hagaamiyo.

Baadiyow ayaa sheegay ruuxa noqonaya Madaxwayne in uu ka shaqeeyo midaynta Soomaalida ee aannu koox ka mid noqon sida Xasan Sheekh.

Baadiyow wuxuu yiri iska hubiya ruuxa aad dooranaysaan, hadiise uu shaqadii ruuxu kasoo bixi waayo waa in uu is casilaa.

Hoos ka dhegayso waraysigaan aadka u xiisaha badan ee uu Dr Baadiyow sida fiican u fahmay waxyaalaha asalkaa ee ay Soomaalidu u baahantahay