Dr. Gaas oo ‘Puntland Diaspora-dii uu aasaasey’ Ku Cambaareysey ‘Xariga Wariye Dabarani’

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Dr. Gaas oo ‘Puntland Diaspora-dii uu aasaasey’ Ku Cambaareysey ‘Xariga Wariye Dabarani’

War saxafadeed uu soo saaray ururka xag jirka ah ee loo yaqaan Puntland Diaspora, ee uu asaaskiisa qaybta wayn ka qaatey Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Abdiweli Gaas (halkaan riix:http://www.puntlanddiaspora.org), ayaa waxuu cadeyey in xariga weriye Jaama Yusuf Dabaraani uu yahay mid xad ku gudub ku ah dastuurka u degan Dowlad Goboleedka Puntland.

Warkan dhalaycaynta ee uu Puntland Diaspora dusha u saarey maamulka Puntland iyo madaxdiisana ayaa ah mid aan hore caado u ahayn in ururkaan oo looga bartey, sida ururada kale sida Somaliland Diaspora iyo Jubbaland Diaspora, difaaca Dowlad Goboleedka iyo madaxdiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ururkaan oo ah, kii labaad ee loo aasaasey in lagu caburiyo dhamaan dadka laga tiro badan yahay ama aan dhinaca siyaasada tabar wayn ku laheen, ayaa waxaa ayaamahaan cadaadis uga imanayey wax garadka Soomaaliyeed madaama la joogo waqtigii la xisaabtami lahaa.

Waxay u muuqataa in ururkaan la soo gudboonaatey kala doorashada labo arin: in noqdaan urur u shaqeeya dano gaara, berina lagula xisaabtamo xaqdarada ay galaan, ama in noqdaan kuwo u shaqeeya danda guud, laguna abaal mariyo ficilkooda. Hadii uu ururkaan oo ah ururkii labaad ee loo aasaasey difaaca Dowlad Goboleedka, uuna kan keliya ee ka horeeyey uu ahaa Somaliland Diaspora Forum, is badelka arintaan ay keeni karto oo ah in ay ururada kale, sida Jubbaland Diaspora, Galmudug Diaspora iyo KoonfurGalbeed Diaspora ay ku daydaan.

Mohamed Barre - independent writer.

Mohamed Barre – independent writer.

Waxaa idiin soo direy; Mohamed Barre – Junlay, qoraa madax banaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degan magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com