Eexda Dawladda Federaalkaa Iyo Dekadaha Hobyo Iyo Garacad

Filed under: Important News,Wararka |

Soomaalidu waxay qalad ka fahmeen Dawlad Federaala.
Dawladda Federaalka ma ahan central Goverment iyadu waxwalba go’aan ka gaari karta.

Waxaa in muddo ahba socday dadaalo ku saabsan isku tasho oo ay wadeeen shacabka deegaanada Garacad iyo Hobyo, kuwaasi oo daarnaa hirgallinta Dekad laga dhiso deegaanada Garacad iyo Hobyo, waana arrin muhiima oo ay shacabku si iskaa wax u qabso ah isugu dayeen.

Waxaana jirtay in shacabka deegaanka Garacad oo kaashnaya shacabwanaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland gaar ahaan kuwa wardheer-Garacad dega ay lacaga gaaraysa illaa 400 oo kun oo dolar iska aruursheen oo lacagtaas ku maalgalliyeen shirkad Chines ah oo samaysay Sarvey iyo qorshayntii dekadda Garacad.
Waxaa kaloo jirtay in wadada wadaagsin qudheeda ay shacaba deegaanka lacaga ay iska aruursheen muddo 15 sano kabadan ku maal gallinayeen, sidaas si le’eg Prof Shirwac iyo shacabka deegaanka Hobyo waxay muddo kooban u dhiseen wadada Gaalkacyo Hobyo oo jay ah waana arrin amaan mudan.

Hadaba haddii Dawladd Federaalka ay u kala eexato labada dekadood, waxay noqonaysaa mid lamida wixii horay Soomaali ay isaga aamin baxday, waxaana laga rabaa in dawladda federaalkaa tallaabooyin siman ka qaadato labada dakadood ee hobyo iyo Garacad oo haddii ay dawladda federaalka 4 million u qoondayso Hobyo, waa in ay sidaaas oo kale Garacadna 4 million u qoondayso, maadaama labada shacabba ay in muddo ah soo wadeen qorshe iskaa wax u qabso ah, lacagtaasna magac Soomaaliyeed lagu soo qaadday.

Wax allaale oo ku saabsan horumar dalka lagu horumarinayo meelkasta oo ay tahay waa in la garab istaaggaa, laakiin doodda aan hadda P/O kaga hadlayno waa mid muhiima oo ay tahay in shacabka aan loo kala eexan oo kalsoonidooda dhaawac gaarrin.

-Maxaase loo waydiin waayay Madaxwayne Gaas inta uu ka ogyahay arrimahaas dekadaha Garacad Iyo Hobyo, dadka qaar baa qaba Gaas arrimo kale ayuu kaga Farmaajo badashay Dekadda Hobyo.

Dhanka kale Madaxwayne Farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre ayaa kasoo jeeda Galmudug, waxaana ay dad badan eegi doonnaan sida ay wax u maarreeyaan.