Erdogan vs david cameron (Qormo gaaban aan isbar bardhigayno erdogan iyo david cameron

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

cameron vs erdogan
Labada dal ee Turkiga iyo Ingiriiska ayaa billihii lasoo dhaafay waxaa soo wajahay siyaasado aynan shacabka dalalkaas filanaynayn oo si kusoo booddo ah u wajahay labada dal.

Hadaba waxaan is barbardhigaynaa sida ay u wajaheen labada Hogaamiye ee labada dal arrimihii siyaasadeed ee khatarta ahaa ee dalalkooda soo wajahay iyo mowqifyadii ay gaareen labada Hogaamiye ee erdogan iyo david cameron.

Sida caadigaa dalalka reer Galbeedka ee shacabkoodu xadaaradda sare ka gaareen hanaanka maamul wanaag ayaa marka ay xukuumad mushkilad soo wajahdo waxay sameeyaan isbadalo caafimaad qaba oo shacabkooda iyo dalkooda u danaynaya, waxayna meesha ka saaraan waxkasta oo u danayn kara shakhsi ama koox, waxayna doorbidaan danta guud ee shacabka.

Hadaba Raysalwasaaraha dalka Ingiriiska Devid Cameron ayaa waxaa soo wajahay siyaasad culus oo aannu marna filanayn kadib markii ay siyaasadda kaga adkaadeen siyaasiyiintii doonayay in dalka Ingiriiska laga saaro dalalka Midowga Europe.

Raysalwasaaraha Ingiriiska markii ay xaaladaas isbadal dhacday, wuxuu go aansaday in uu isbadal sameeyo calaa aqali oo uu isbadalka isagu iska billaabo oo uu booska Raysal Wasaare u baneeyo iska siyaasiyiinta ay isku xisbiga iyo isku mabda yihiin, isaguna uu siyaasadda gadaal ka fariisto.

Arrinkaas oo aan marna ka suurtoobin siyaasi kasoo jeeda dunida sadexaad, wuxuu runtii ahaa arrin ku dayasho mudan, wuxuuna u horseeday shacabka dalka ingiriiska mid wadajirkooda kor u qaada, waana waxa ugu muhiimsan in ay shacabka midnimadoodu muqudis tahay, waxaana hubaala shacab midaysan in ay waxwalba jiiri karaan.

Hadaba Madaxwaynaha Turkiga Erdagon muxuu sameeyay markii ay dalkiisa xaalad adag soo wajahday

Sida lagu yaqaan dalalka wadaada soo koraya ee aan sharcigu shakhsiga ka sarayn Madaxwaynaha Turkiga markii dalka gacantiisa laga maroojiyay ee ay shacabku inta la dagaalameen nimankii askarta ahaa ee dalka afganbiyay, awooddii dib ugu soo cesheen Madaxwayne Erdagon.

Waxay ahayd in Madaxwayne Erdagon uu calaa aqali iclaamiyo doorasho deg deg, ama uu is casilo ama calaa aqali uu wax isbadal u eg waliba dhankiisa iyo xukuumadiisa uu keeno.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ay shacabkoodu 90% haystaan madhabta Suufiyada, halka Madaxwayne Erdagon uu kasoo jeedo madhabta Wahaabiyadda ee bidix ee Islaax, Madhabta Wahaabiyadda ayaa kala ah Bidix oo aaminsan in qalinka iyo buugga la qaato, halka kooxaha wahaabiyadda midigta ay aaminsanyihiin in qoriga la qaato, waxaana ka mida madhabta wahaabiyadda Midig kooxaha Alshabaab iyo Isis.
Madhabta wahaabiyadda bidix waxaa ka mid ah Islaax oo ay ka midyihiin Madaxyne Erdagon, iyo Mursigii Masar, xasan shiikh oo markii hore ahaa Islaax, laakiin markii danbe noqday Damjadiid oo ah koox Islaax ka go’ay oo qoriga qaatay laakiin markii hore ka mid ahaa islaaxdii qalinka.

Madhabta Suufiyadda waxaa ku dhaqmi jiray cusmaaniyiintii Turkiga haysan jiray iyo Sayid maxamde Cabdulle xasan iyo Axmed Gurey.
Suufiyiinta ayaa aaminsan in bini aadamka iyo xayawaanka iyo cidwalba loo naxariisto oo loo duceeyo, iyo in nolosha aduunku ay maalmo kooban tahay oo aan nolosha la isku murjin maal aduunna lagu mashquulin, gaal iyo muslim hal xaafad lagu wada noolaado oo la is amaan galliyo.

Hadaba hadaan dulucda maqaalka usoo noqdo.
Erdagoon ayaa mooddaa in uu siyaasiyiintii aaminsanaa madhabta Suufiyadda uu khadka ka saarayo isagoo ka faa iidaysanaya inqilaabkii dhicisoobay, waxayna tani u keeni kartaa khalkhal siyaasadeed oo culus dalka Turkiga maadaama shacabka Turkiga ay haystaan 90% madhabta Suufiyada.

Waana dabeecado lagu yaqaan xukun jacayl iyo aduunyo jacayl siyaasiyiinta dunida sadexaad, kamana fakaraan maxaa caqabada ee ay keeni kartaa markaad marwalba ku fakarto in waxa aad shakhsiyan u jeceshahay laguu fuliyo.

Xageebayse ku danbaysay Amaantii faraha badnayd ee ala ha u naxariistee Madaxwayne Siyaad Barre lagu amaani jiray, aaway shacabkii iyo dalkii soomaaliyeed maanta.


One Response to Erdogan vs david cameron (Qormo gaaban aan isbar bardhigayno erdogan iyo david cameron

  1. Pingback: Erdogan vs david cameron (Qormo gaaban aan isbar bardhigayno erdogan iyo david cameron - Daily Somalia Report