Ethiopia oo kamid noqotay wadamada safka hore ee dhaqaalahoodu uu kobcayo 11% sanadkiiba (Daawo)

Filed under: Wararka |

Dalka Ethiopia ayaa hada kubiiray wadamada aduunka ugu horeeya dhanka dhaqaala kobaca, waxaana dhaqaalaha Ethiopia lagu qiyaasaa in uu sanadkii kobcayo 11%, boqolkiiba 11.

Dhanka kalena waxaa walaac ka muujiyay kobaca dhaqaalaha Ethiopia qaar ka mid ah indheergaradka Ethiopia oo sheegay mar hadii aynan jirin Nidaam Dimoqraadiya oo cad, in aynan waxba soo kordhinayn Wadooyin laamiya oo ladhiso iyo Saro dhaadheer, waayo Soomaalidu waayo arragnimo fiican bay u leedahay marka Wadooyin iyo Saro dhaadheer iyo Warshado ladhiso (Sidii Xukuumaddii Siyaad barre), halka aan Buldhsada labarin ku dhaqanka Xeerka Dimoqraadiyadda iyo lasacodsiin lala socodsiiyo halka ay marwalba marayaan Hadabka iyo Siyaasadda Dawladda, iyo iyadoon buklshada laga qaybgalin go’aanada muhiimkaa sida qaabka Doorashooyinka loo qabanayo, hay’adaha Dawladda ee kala Madaxa Banaan iyo fulinta awaamiirta dastuurka dalka.

Hoos ka daawo Indheergarad Ethiopia u dhashay oo arrinkaas sharaxaya