Faahfaahin Qaraxii Xero Dayax lala Eegtay Ee Gaalkacyo.

Filed under: Wararka |

dhayne qarax
Magaalada Gaalkacyo saakay waxaa lagu weeraray laba baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaana lala beegsaday xero dayax.

Qaraxa hore waxaa fuliyay qof dumara oo waday gaari laga soo biixiyay walxaha qarxa oo loo yaqaan Dhayne oo ah nooca baabuurta tuulooyinka aada oo qaada illaa 4 tan.

Dhalinyaradii waardiyaynaysay xero dayax ayaa damcay in ay istaajiyaan balse waa ay diiday gabdhii gaariga waday waxayna ku fureen xabad, wuxuuna gaarigaasi ku qarxay iridda xero dayax.

Qaraxaasi maanta wuxuu ahaa mid ka yaabiyay dadkii magaalada Gaalkacyo ku noolaa, wuxuuna qaraxaasi dhulka dhigay dhismayaashii suuqii hadda laga dhisayay xero dayay, xaruntii dawladda hoose ee xero dayax ku tiilay, iyo waliba qayb ka mida isbitaalka wayn ee Gaalkacyo oo ku dhaganaaa xero dayax.
Qaraaasi wuxuu sababay in ay muraayadihii xaafadaha illaa Baraxlay ay daataan.

Shacabkii ayaa kusoo xoomay meesha ay wax ka dhaceen, markii shacabkii ay soo xoomeen ayaa hadana waxaa lala beegsaday gaari kale oo caasiya nooca noohada loo yaqaan, kaasi oo qofkii waday iyo gaarigiiba ay qarxeen.

Gaarigaa danbe ayaa dadka laayay waxaana ku dhintay shacab badan oo waxay galabsadeen uunan jirin,
Dadka maanta ku geeriyooday qaraxyada waxaa ka mid ah Dhuubane taliyihii ciidamada Dawladda Hoose iyo ku xigeenkiisii.

Tirada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa aad u badan
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo daayay kumanaan askara waxaana xiran afarta koona jaho, waxaana socda baaritaano la doonayo in laga xaqiiqsado ciddii ka danbaysay Qaraxyadaan iyo meesha laga soo abaabulay.

Xero dayax waa xeradii hore ee Militariga ee Gobalka Mudug, wixii sagaashankii ka danbeeyay waxaa deganaa dad shacaba, laakiin sanadkaan ayaa waxaa la qorsheeyay in laga dhiso suuq ganacsi, waxaana sidoo kale laga dhisay xarunta dawladda hoose ee gaalkacyo.
Xero dayax ayaa laamiga muqdisho ka yimaada ka saaran dhanka bixid, waxayna kasoo horjeedaa xero daraawiish oo laamiga dhanka kale ee Jariiban ka saarnayd oo hadda guryaha badan laga dhisay, ayna ku taal sarta Amal.