Faa’idooyinka Ganacsiga Caalamigu Leeyahay

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Faa’idooyinka Ganacsiga Caalamigu Leeyahay

 Every man lives by exchanging.”

“Ruux kasta wax-is-weydaarsi ayuu ku noolyahay”

Adam Smith [1723-1790]

“Almost all wars, perhaps all, are trade wars connected with some material interest. They are always disguised as sacred wars, made in the name of God, or civilization or progress. But all of them, or almost all of the wars, have been trade wars”.

“Ku dhowaad dhammaan dagaallada, malaha dhammaantood, waa dagaallo dano khayraad ku lug xidhan. Waxaa goor kasta lagu qariyaa in ay yihiin dagaallo xurmaysan oo magaca Eebbe, ama ilbaxnimada ama horumarka dartii loo galay. Dhammaantoodse, ama ku dhowaad dhammaan dagaalladu waxay yihiin dagaallo ganacsi ku lug leh”.

Eduardo Galeano [1940-2015).

Sannado badan waxaa kor u kacayay ganacsiga caalamiga ah, faa’idooyinka ganacsigu uu leeyahay awgii. Ganacsiga caalamiga ee xorta ahi waxaa saldhig u ah wax-is-weydaarsiga dhex mara dalalka iyo gobollada adduunka oo ay isweydaarsanayaan alaabooyinka, adeegyada iyo lacagaha.

Ganacsiga caalamiga ahi waa qayb muhim ah oo ka mid ah wax-soo-saarka GDP (Gross Domestic Product) dal kasta ee dunida ka mid ah. Waxay kaloo tahay dakhli muhim u ah dalalka saboolka ah. Ganacsiga caalamiga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha ugu weyn ee yareeya saboolnimada, maadaama uu abuuro shaqooyin, sida dekadaha iyo garoommada diyaaradaha.

Waxaa si xawli ah u kordhaya oo u fidaya ganacsiga caalamiga ah, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin wax-soo-saar oo casri ah (modern production techniques) iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka, dekedaha, garoommada diyaaradaha, tareennada, isgaarsiinta, adeegyada Internet-ka, korontada, biyaha, ammaanka, shaqaale xirfad leh, adeegyada caafimaadka, shirkadaha caalamiga ah, warshadeeynta, iwm.

Ganacsiga caalamiga ahi ma ahan fekred cusub. Qoraallada tagtada ka hadlaya ayay ku xusanyihiin in ganacsiga caalamiga ahi leeyahay taariikh facweyn oo kumannaan sannadood soo jirey. Raadadka ganacsiga caalamiga ahi waxaa laga heli karaa dhammaan afarta qaaradood ee dunida. Ujeeddada qoraalkan yar ma ahan in aan wax ka xuso dhacdooyinka taariikhda ganacsiga caalamiga.

Kor-u-kaca ganacsiga caalamiga ahi wuxuu lagamammaarmaan u yahay koritaanka caalamiyeeynta (globalization).

Xayiraadda la saaro dhaqdhaqaaqa ganacsiga xorta ah (restrictions on the free trade), waxa dalalka ay saameeyso ku soo koobtaa alaabta iyo adeegyada ay soo saaraan (locally produced goods and services). Waxayna ku waayaan dhakhli muhim u ah oo uga soo xerooda dhaqdhaqaaqyada ganacsiyada caalamiga ah ee xorta ah.

Faa’idooyinka dusha ku xusani ee qiimaha badan ku fadhiya ee ganacsiga caalamiga ah leeyahay, ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentey kororka ganacsiga caalamiga bartamihii qarnigii labaatanaad. Dalalka dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah awoodda badan ku leh, tusaale: Maraykanka, Jarmalka iyo Jabbaan, ayaa noqday dalal hodan ah, taas oo sababtay in ay helaan awood ay ku maammulaan dhaqaalaha dunida. Ganacsiga caalamiga ahi waxa uu noqon karaa mid ka mid ah taburucaayaasha ugu weyn si loo yareeyo saboolnimada.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

24.09.2016

yaasiin-faash-qalaad

One Response to Faa’idooyinka Ganacsiga Caalamigu Leeyahay

  1. Pingback: Faa’idooyinka Ganacsiga Caalamigu Leeyahay - Daily Somalia Report