FAALLO: Maxaa dhacaya Haddii Xasan Sheekh dib loo doorto ?

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

asad-denmark
Waxaa wanaag sanayd in Madaxweyne Xasan Sheekh intaanu mar labaad is sharaxin in marka hore uu isku eego muraayada siyaasada ee afartii sano ee uu xilka hayey. Muuqaalkiisa siyaasad waa noocee?
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee Waqtigiisu Dhamaadey ayaa Xalay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho xaflad ku samays tahay.
Waa Qiimeeyey kulankan Sawirada laga soo Qaadey waxaa ii muuqatay kulankaa Dadkii ka soo qayb Galay inay u bad naayeen shaqaalaha Xafiiskiisa, Qaraabadiisa iyo Dhawr siyaasi oo saxiibadiis ah iyo koox xildhibaano ah oo Taageersan.
Su’aal ayaan is waydiiyey ah “hadii uu mar labaad ku guu laysto inuu Noqdo madaxweynaha Dawlada Soomaaliya waa sidee guushaa uu helay ? Hadiiba kulankii Xalay uu sameeyey uu sidaan cidla u yahay, iyadoo Doorashadii Madaxweynaha ay ka dhimantahay 9 Cisho oo ku beegan 8.2.2017.
Sawirada xaflada Xalay waxaa ka muuqata in aanuu Haysan Taageerayaal badan oo ka kooban nooc yada bulshada Soomaaliyeed, Gaar ahaan odayaasha Qabaa’iilada Hogaamiya iyo Dadka hogaamiya ururada bulshada.

Afartii sano ee uu wadanka xukumayey waxay ahay waqti dheer haduu wax wanaagsen qaban lahaa xaflada Xalay waxaa lagu qaban lahaa meel kulmisa kumanaan qof oo taageersan waxaa wanaagsen ee uu sameeyey Afartii sano ee la soo dhaafay.
Bulshada Soomaaliyeed waxay inteeda badan aamin san tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku Fashilmay Mudadii Afarta Sano ahayd ee uu Xilka Heyey, Isagoo dhaw jeer laga keenay Mooshin iyo isqab qabsi siyaasadeed oo Dawladiisu ka bixi waydey.
Iyadoo Afarsano oo hore naga qasaartey Hadii hadana dib loo doorto isagoo lacag laaluusha ku helay cododka xildhibaanada iyo Dawlada itoobiya oo ku qasbaysa in Maamulada wadanka qaarkood, sida Jubbaland iyo K/Galbeed Xildhibaanada laga soo doorto ay u codeeyaan Xasan Sheekh.
Markaa waa nasiib daro in la afduubo rajada bulshada Soomaaliyeed ee ay ka suga yeen is isbadal uu dhaco.
Waxaa iska cad in Rajadii Nabada Soomaaliya halkaa ku bur burtay waxaana dib loogu noqdonayaa colaadii Dagaalka sokeeye ee Qabaa’iilada ka dhisnayd iyo in lagalo jahwareer Siyaasadeed oo looga soo hor jeedo hogaanka Xasan Sheekh ee Itoobiyo wadato.

Beesha caalamkuna waxay u aqoonsan doontaa Madaxweyne aan ku iman Rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed Doorashadiina Musuq maasuqay.
W/Qoray: Maxamed Caalim
Caalim68@hotmail.com

2 Responses to FAALLO: Maxaa dhacaya Haddii Xasan Sheekh dib loo doorto ?

  1. Pingback: FAALLO: Maxaa dhacaya Haddii Xasan Sheekh dib loo doorto ? - Daily Somalia Report