Faalo: Culima’udin & waxgarad u dhaqaqay inay wax ka qabtan Isbaarada ay dawlada PL u dhigten Muxiyadiin iyo Cabdi Yare

Filed under: Wararka |

Iyadoo ay jirtay maalintii shalay saansaan colaadeed oo u dhaxaysa Dawlada Puntland iyo labo Sarkaal oo isku Beel ka soo jeeda oo madaxweynaha Puntland uu xilka ka qaaday kal hore kadib amardiido dheer ayaa Agaasimihii hore ee PIA Puntland Cabdi Yare uu magac ahaan u wareejiyey xilkii halka uu Taliye xigeenkii Boolika Puntland Gen Muxiyadiin uu diiday amarka madaxweynihiisa.

Waxaa kale oo xusid mudan inay labada sarkaal Ciidamada ay xukumayeen ay ugu badnaayeen ama wada ahaayeen Beeshooda taasoo u suurto gelisay inay la goostaan Ciidamo iyo qalab Tekniko badan ay ka mid yihiin oo ay dawlada Puntland lahayd.

Isbaarada ay dawalad u dhigteen Muxiyadiin iyo Cabdi Yare

Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse taliye xigeenkii hore ee Booliiska Puntland ayaa wuxuu la goostay Ciidamo badan oo ay u dhan yihiin qalabkoodii isagoo si cad u diiday xil ka qaadistii madaxweynaha Puntland ku sameeyey. Waxaa taas kasii daran wuxuu ciidamadii iyo hubkii dawlada la joogay caasimadii Puntland Garowe oo ah muraayadii Puntland laga daawanayey isagoo u badalay meel fawdo ah oo aan nidaam iyo kala dambayni ka jirin.

Agaasimihii hore ee PIA Puntland Cabdi Yare oo isna markii hore amardiido sameeyey ayaa markii la soo dhexgalay waxa uu wareejiyey magac kaliya isagoo la haray Ciidan iyo Hub ay lahayd dawlada Puntland kula biiray kuwa Muxiyadiin.

Caasimada Puntland iyo shacabkeeda

154cCaasimada Puntland ee Garowe waan la wada soconay dhismihii Puntland ka hor siday ahayd iyadoo ahayd magaalo aad u yar oo horumar uusan ka jirin, Ganacsigeedu uu aad u yaraa. Maantana Maansha Allah Garowe waa loo jeeda Barwaaqada, Horumarka, ganacsiga iyo bilcda ka buuqata. Garowe maanta Booskeeda dhulka ah lama gayn karo qiimaha uu joogo iyo waxaas oo nimco ahna waxay ku heshay Garowe waa nasiibka ay ku heshay inay reer Puntland oo dhan caasimada u noqoto. Waxaa jirta oraah hore oo leh ”Dheri nin u dhow baa laf kala baxa” Dulucdeeduna ay tahay in intii degenayd Garowe iyo agagaarkeeda ay ku baraareen Barwaaqadaas taasoo aan ka jirin magaalooyinka kale ee Puntland laguna kuunyayo.

Maxaa la gudboon reer Garowe?

Reer Garowe waxaa la gudboon nimcada Rabi siiyey inay ku Shukriyaan ilaashadaana. Waxaa kale oo la gudboon inay u tusaan madaxda iyo shacabka Puntland inaan Garowe laga xigin ayna tahay Caasimada Puntland lana wada leeyahayayna ku cilmi qaataan wixii Xamar ka dhacay.

Waxaa kaloo la gudboon reer Garowe inay qabtaan wiilashan burburinaya dawladnimadii Puntland (ninkii waalan walaalkiis baa u miyir qaba) ayna ka soo wareejiyaan hantida dawlada ee ay haystaan.

Waxgada Waanwaan bilaabay

Maanta ayaa qaar kamid ah culimaa’udiinka Puntland, Nabadoono iyo waxgarad waxay bilaabeen inay arrintan Foosha xun soo afjaraan iyagoo u tagay lana kulmay Ciidama Dawlada Puntland ee aagaas loo diray iyo ciidamadii uu la goostay Muxiyadiin Axmed Muuse taliye xigeenkii hore ee Booliiska Puntland oo ku sugan duleedka Qarxis.

Sheekh Axmed Daahir oo hoggaamineyey wafdiga culimada ayaa Warbaahinta u sheegay inay lasoo kulmeen labada Ciidan Garowena ay kula kulmeen dawlada iyo Baarlamaanka la islana qaatay nabad iyo in arrintan la soo afjaro.

Mid ka mid ah nabadoonada Gobolka Nugaal ayaa saaafada u sheegay inaysan jiri doonin laba dawladood, laba Ciidan iyo laba taliye oo la go’aansaday in lagu soo afjaro muddo shan cisho gudahood ah iyadoo la go’aansaday in loo diro Qarxis guddi ka kooban 25 xubnood oo oo soo afmeera arrintan dabada dheeraatay.

Shacabka reer Puntland waxay iswaydiinayaan sababta ay intaas u qaadatay oo ay reer Nugaaleed u qaban waayeen wiilashan doonaya inay noqdaan Yalaxoowga Puntland iyo Indhocadaha Puntland, kana dhigaan Puntland dhul ay Isbaaradu u taliso.

Rajo ayey dareemeen reer Puntland markay maanta ka daawadeen Universaltv Waxgadka iyo Culimaa’udiinka arrintan galay yirina waxaan ku soo gabagabaynaynaa shan cisho jirina mayso laba dawladood iyo laba taliye oo Puntland ka jira. Waxay ragaasi mudan yihiin amaan iyo in loogu duceeyo hawshaas culus in Ilaahay u fududeeyo.

Mucaaradnimadu wax lagu toosinayaa waa wanaagsan, laakiin tan wax burburin aynu iska ilaalino, waa waajib ina wada saaran inaynu Puntland wada ilaashano, reer Nugaaleedna waajib gooni ah ayaa ka saaran arrinkan iminka taagan.

Source :Puntlandes.com http://www.puntlandes.com/?p=10294

One Response to Faalo: Culima’udin & waxgarad u dhaqaqay inay wax ka qabtan Isbaarada ay dawlada PL u dhigten Muxiyadiin iyo Cabdi Yare