Fadeexad: Beenta Saadaasha Tirakoobka Soomaalida (cadayn Baadiyaha Gobalka Mudug waxaa ku nool 180 kun, Gobalka Nugaal Baadiyihiisana 213 kun)

Filed under: Wararka |

Warbixintii un-ka ee odoroska Tirada cadadda Shacabka Soomaalida ayaa waxaa si fudud u cadaynaya in ay ahayd wax la iska mala awaalay oo aan waliba si wanaagsan looga fiirsan markii lamala awaalay.

Gobalka Mudug waa Gobalka Gobalada Soomaalida ugu xoolo dhaqatada baddan isla markaana wuxuu aad uga baaxad wayn yahay Gobalka Nugaal hoos ka eeg maapka.

MUDUG NUGAAL

Hadaba shaxda ku taal dadka Gobalada Soomaalida kunool oo Gobal kasta la qeexay inta Baadiyaha degta, inta Tuulooinka degta iyo inta degta Magaalooyinka waa wayn ayaa lagu sheegay in Baadiyaha Gobalka Mudug ay ku noolyihiin 180 kun, halka Baadiyaha Gobalka Nugaal ay ku nool yihiin 213 kun, sida ku cad shaxda sawirka Taybalka hoose, Halka Baadiyaha Gobalka Hiiraanna lagu sheegay in ay ku nool yihiin 250 kun, oo waliba aan ognahay in reer Hiiraan beeralay ay yihiin.

somali population

UNFPA_final Somal.population-Tirakoobka Soomaalida been abuur

Shaxda reer baadiyaha Nugaal iyo Mudug oo sida caadigaa uu qofwalbaa garowsan karo in Mudug reer Baadiha deggaa ay ka badan yihiin reer Baadiyaha Nugaaleed ayaa cadaynaya in Qolooyinkii warbixinta soo saaray aynan xitaa waqti badan gallin qaabkii ay beenta u sheeggi lahaayeen balse isaga deg degay

2 Responses to Fadeexad: Beenta Saadaasha Tirakoobka Soomaalida (cadayn Baadiyaha Gobalka Mudug waxaa ku nool 180 kun, Gobalka Nugaal Baadiyihiisana 213 kun)

  1. Pingback: Caynte Sow Ma Ahan Ninkii Ka Been Abuurtay Tirakoobka Soomaalida, Hadana Maanta Inta Wasiiradii Shaqada Lahaa Laga Booday Baa Shirka London Madax Looga Dhigay | Puntland Observer