Fadeexad innamada Cali Khaliif saxaafadda u qaabilsan oo si bilaa xushmada uga hadlay Xildhibaanadii Beesha Dhulbahante ee Xamar lagu xasuuqay iyo shaki cida ka danbaysa (Warbixin)

Filed under: Wararka |

Xaqiiqda maanta Soomaaliya waxba umakala qarsoona, si fiican baana la isaga warhayaa taako Taako.

Xildhibaanada Soomaaliya waxaa lagu qaybsaday Qaab Beeleed waxaaana soo xulayay Oday Dhaqameedka Beelaha Soomaalida.

Beesha Dhulbahante waxay leedahay Illaa 13 Hogaamiye dhaqameed, markii Puntland la dhisayay 13ka Hogaamiye dhaqameed waxay ka mid ahaayeen Oday dhaqameedkii Qaab Beeleed ku Qaybsaday Xildhibaanada Puntland.

Hadana Waxaa la dhisay Khaatumo oo sidoo kale ay Taageereen 13ka Hogaamiye dhaqameed ee Beesha.

Laakiin Maanta arrinkii sidaas waa ka gadisanyahay oo Markii Cali Khaliif la caleema Saarayay illaa laba Isim baa joogtay Goobtaas oo Taageersanayd.

Waxaana xaqiiq ah in Odayaasha dhaqanka ee Beesha Dhulbahante ay Intooda badan maanta Puntland ku suganyihiin taas oo ka dhigan in ay xitaa siyaasad ahaan Puntland Taageersanyihiin inkastoo ay dhanka kale diyaar u yihiin midnimada Beesha wax loo dhanyahay.

Madaxwayne Gaas ayaa waraysigii u danbeeyay ku cadeeyay in uu aaminsanyahay in Xalka SSC uu kujiro in dadka deegaanka laga qaado afti wixii ay ku midaabaan loo daayo uuna taageerayo, balse uu taas diidanyahay Siilaanyo laakiin Gaas ahaan uu Taa aad u dhiirigalinayo

Laakiin Inamada Saxaafadda u qora Cali Khaliif galaydh ayaa taa iska dhagatiraya kana dhigaya in uu Masiirka Beesha uu Masuul kayahay Cali Khaliif.

Waxaa mucjiso ah Xildhibaankii xamar lagu dhaawacay ee ABDULLAAHI HASAN DHOOBLE oo gacanta ka gardarani ay sida xaqdaradaa u dhaacday, iyo Saada Cali oo iyana gacan ka xaqdarani ay dishay, in ay hada inimada Cali Khaliif wararka u qora ay ka dhigayaan dambiilayaal, maadaama xildhibaanadaan ay soo Magacawdeen Isimada Beesha Dhulbahante ee Puntland joogga.

Halkaan ka akhri warkaas qaabka foosha xun ee ay u qoreen.

http://horufadhionline.com/2014/10/26/faah-fahin-ka-soo-baxaysa-dhaawac-soo-gadhay-mid-ka-mid-ah-xildhibanadii-farole-dhulbahante-ka-dhacay/

Abdullaahi Xasan Dhooble oo ka mid ah xubnihii Faroole barlmaanka ku darsaday ayaa lagu dhaawacay magaalada Muqdisho ayadoo gaadhigisiii ay dabley hubaysani rasaas ku rusheeyeen.
Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in la dhigay Cusbitaalka, ayadoo haatan lagu wado daaweyn, waxaana uu Abdullaahi ka mid ahaa sadexdii xildhibaan ee Faroole boobay kuwaasoo laga soo Ebye dhanka magaalada Garowe ee beesha Faroole degto. Ninkan la dhaawacay ayaa taageeray siyaasadda Ra’iisal wasaaraha, wuxuuna maanta ka sheegay in Ra’iisal wasaaruhu xaq u lee yahay arimihan isku shaandheeynta.
Waxaa sidoo kale sadex bilood ka hor lagu diley Muqdisho Allaah ha u naxariistee Saado Cali, oo ayadana ka mid ahady xildhibaanadii Faroole magacawday.
Horufadhi.com@gmail.com
Short URL: http://horufadhionline.com/?p=10174