Fadeexad: Somaliland oo joojisay Kalluunka Muqdisho uga yimaada (Falanqayn+cod)

Filed under: Wararka |

Fadeexaddii abid ugu waynayd ee Maamulka Somaliland ku dhaqaaqay ka dib markii ay ku dhawaaqeen Joojinta Kalluunka Muqdisha uga iman jiray,

Bilxaqiiqiyan inkastoo ay Soomaaliya siyaasiyiin u noqdeen kuwii ugu arragtida gaabnaa isla markaana inta badan dibadda laga hago, ayaan waxaa aan marna wax isbadel ah aanu ku iman Ganacsatada Soomaalida oo ay inta badan ka marnayd Qabyaalad iyo gobalaysi.

Dekadda Barbara waxa kasoo dega iyo waxa ka dhoofaba waxay ka yimaadaan ama la geeyaa dhammaan deegaanada Soomaalidu ku nooshahay, waxaana inta badan shacabka Soomaalidaa ay eegtaan meesha uu ganacsigoodu ku najaxayo ee ma eegaan siyaasadda ka socota deegaankaas.

Waxaase maanta cajiib noqotay in Soomaaliland looga dhawaaqo in aan la keeni karin Kaluunka Muqdisho laga keeno, taas oo siyaasad xumo wayn ku ah Soomaaliland, taa badalkeeda waxay ahayd in ay Qiimaha Kalluunka Soomaaliland hoos u dhigaan, waayo kalluunka Muqdisho laga keeno safar dheer buu soo galayaa-
kaluun
Hoos ka dhegeyso
[audio:http://somali.raxanreeb.com/wp-content/uploads/sites/3/2014/11/Cali-Buureed.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhegeyso