Fadeexad: Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan VOA iyo BBC oo ka hiiliyay tacadiyadii loo gaystay Beesha Biyamaal

Filed under: Wararka |

Warbaahinta Soomaalida ayaad moodaa in aynan daacad ka ahayn dagaaladii Gobalka Shabeeladda dhexe baryahaan kasocday ee sida gardaradda iyo Baadaa xooga lowgu qabsaday Deeganadda Beesha Biyamaal.

Voa-Somali ayaanba soo hadalqaadin dagaaladaas intaa le,eg Halka BBC ay Waraysatay Ruux kufaraxsan in uu Indhacade Xoog kula wareego deegaanka Beesha Biyamaal ee Marka iyo nawaaaxigeeda.

Halkaan ka dhagayso warbixnta jeesjeeskaa ee garabka qoladda dulmiga wada ay xogta kasoo qaateen halka aynan wax waraysiya la yeelan dadkii deegaankooda xooga looga saaray

scales-of-injustice
Dhanka kalena waxaad moodaa in ay Beesha Isaaq qudhoodu ka aamuseen Dagaalka Beesha Direed deegaanadooda xooga looga qaaday 2014, maadaama maalma dhawayd ay oday dhaqameedka Beelaha Hawiye aqoon sadeen Gooni Isutaaga Soomaaliland hada waxaad moodaa in ay ka gaabsadeen tacadiyadda Beesha Biyamaal loogaystay, maadaama ay Beesha Biyamaal noqdeen Looma Ooyaan, ama laangaab.

Dhanka kalena maleeshiya Beeleedka Beesha Habargidir ee Xooga kula wareegay deegaanadda Beesha Biyamaal ayaa hada ku shaabadaynaya Beesha Biyamaal in ay gacansaar la leeyihiin Alshabaab.

Isku soo duub dhamaan tacadiyadaas iyo waxa halkaas ka dhacay eedeedda waxaa iska leh Taliyaha Ciidamadda Soomaaliya Madaxwayne Xassan Shiikh oo sitoosa ula saftay maleeshiyaadkii Beesha Habargidir waliba ay hogaaminayaan Saraakiisha Cutubyadda 5aad iyo Lixaad oo ay kala hogaaminayaan Indhacade iyo Goobaale oo wata Maleeshiyaad katirsan Ciidankii Qaranka.

Isku soo duub oo waxaad moodaa in Beesha Biyamaal ay Soomaaloo dhan meel ay joogaanba ka hiiliyeen, maadaama larabay in xaqdaradda iyo gardaradda meel looga soo wada jeesto, hadana waxaad moodaa in ay lagu daawaday xaqdaradaas lagu sameeyay Beesha Biyamaal.

Xassan Culusow isagaa qaaday masuuliyadda Soomaaliyoo dhan, waana in uu is casilaa hadiiba ciidamadii uu taliyaha u ahaa ay qaab maleeshiyo beeleed ah isku laynayaan

6 Responses to Fadeexad: Warbaahinta Soomaalida gaar ahaan VOA iyo BBC oo ka hiiliyay tacadiyadii loo gaystay Beesha Biyamaal