Fadeexad: Wariyaha kaliya ee aan Puntland ka Nacamlayn Jaamac Deperani oo bartiisa Facebuugg ku sheegay in Xukuumada gaas Shaqadii ka joojinayaan

Filed under: Important News,Wararka |

Dhaqan xumadii kaligi Talisnimo ee Siyaad Barre iyo Nacamlayntii ayaa Puntland ku ah Caqabad, waxaana maanta Puntland halkaa dhigay Kooxaha Saxaafadda ee aan ugu yeerno ” Daawo Sawirada Madaxwaynaha”, balse aan hayn wax xigmada oo umadda u dan ah.

Iyadoo maalintii daraad ay kooxaha Damjadiid ee muqdisho 35 Website shaqadii ka joojiyeen, ayaa hadana wariyihii kaligi duulka ahaa ee Jaamac Dabaraani oo xooggaa aan badnayn oo su’aalo adaga waydiiya Madaxda, ayaa kusoo qoray bartiisa facebook in ay hadda Xukuumadda Musuqmaasuq doonkaa ay doonayaan in ay shaqadii ka joojiyaan.

Halkaan ka akhri xogta uu Jaamac soo dhigay bartiisa Facebook.

Wasaarada Warfaafinta Puntland, ayaa igu wargelisay inay soo saarayso amar ay aniga shaqada iiga joojinayso.
Waxay ii sheegeen inay Dowladdu dacwo katahay, Qoraaladayda Facebook iyo ‪#‎Deperani‬ ‪#‎Show‬.
Wasaarada ayaa ii sheegtay in shaqo kasto oo (Wareysi) qabanayo aan iyaga u maro, taasi oo aan usheegay inaanan sameyn karin madaama aan ahay weriye madax banaan.
Waxaana dareensiiyey in anigu aanan ahayn weriye dowladdeed, maamul gaar ah, mid urur ama mid kooxeed. Balse aan u dhaxeeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida oo dhan.
Jaamac Depaeraani
Dhanka kalena daawo sida ay Soomaaliland madaxdeedu u xamillaan in waxkasta oo shacabku qabaan ay shacabku waydiiyaan siyaasiyiinta