Fadeexad: Xukuumadda Madaxwayne Gaas oo Saxaafadda Ku Soo Jeesatay Xilli Loo baahnaa In La Xaliyo Arrimaha Cakiran Ee Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Madaxwayne Gaas Soocade ayaa maanta ku goodiyay in aan wax sharciya aan lagu dhaqmayn Suxufigii amarkiisa diidana uu xabad la dhacayo.

Waxaana xigtay in maanta albaabada loo laabo idaacadda Radio Daljir ee magaalada Garoowe.

Intii xukuumaddu ku mashquuli lahayd sidii xal lowgu heli lahaa ninkaan argagixisada xiriirka la leh Mudanae Gallan carurta qoryahay ku raraya oo iska dhigaya Barre Hiiraalaha Puntland, ayay xukuumadda Gaas waxay shacabkii ku mashquulinayaan arrimo aan loo baahnayn iyo idaacado la xiro.
Waxaana maanta si wada jira u cambaareeyay falkaas dhamaan saxaafadda Puntland.

3 Responses to Fadeexad: Xukuumadda Madaxwayne Gaas oo Saxaafadda Ku Soo Jeesatay Xilli Loo baahnaa In La Xaliyo Arrimaha Cakiran Ee Puntland

  1. Pingback: Fadeexad: Xukuumadda Madaxwayne Gaas oo Saxaafadda Ku Soo Jeesatay Xilli Loo baahnaa In La Xaliyo Arrimaha Cakiran Ee Puntland - Daily Somalia Report