Fadeexad:Nabadoon Cali Aloore Oo Taageeray Kooxihii Dadqalatada Ee Gaalkacyo Dadka Ku Laynjiray (Dhegeysi Iyo Qoraal Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Magaalada Gaalkacyo qaybteeda waqooyi ayaa waxaa lagu layn jirray in muddo ah dadka waxgaradkaa, waxaana falkaas gaysan jirray kooxo sheegta in ay xiriir la leeyihiin ururka alshabaab, waxayna u talaabaan marka ay dadka laayaan dhanka xaafadda Baraxlay ee Galmudug.

Xaafadda baraxley ee Galmudug ayaynan ururka alshabaab hal qof ka dillin.
Waxaana jiray laba doodood oo arrinkaas ku saabsan.

Qolaa waxay ku doodaan xaafadda Baraxlay waxaa degan wadaada xertaa ama halu sunna ee oo ruux kasoo jeeda wadaada wahaabiyadda shaah kama cabo, sidaas awgeed ayaynan alshabaab qofna ugu dili karrin, halka xaafadda waqooyi ay haystaan ganacsato iyo siyaasiyiin wahaabiyadda u baddan oo alshabaab waa ku dhex dhuuman karraan, waayo alshaabaab waxaa dhashay wahaabiyadda, oo caruurtaan macalimiintoodii aawaye.

Waxaana dhacday ninkii daraad laga soo qabtay xaafadda Baraxlay Cabdirisaaq Tahaliil ina calool geel oo ay soo qabteen ciidamo iskaashaday PSF qaybta Galmudug, Qaybta Puntland iyo Maraykanka oo taageerayay in uu ahaa nin waligiiba shaqada ka waday xaafadda baraxlay
akhri warbixintaas oo dhamaystiran

Hadaba waxaa cajiiba nabadoonkii Gaalkacyo lowgu jeclee Nabadoon Aloore oo xiliyada ay jiraan colaadahu u muuqday nin nabadda shacabka aad uga shaqeeya, in uu maanta si aan gabasho lahayn u taageeray Tahaliil Caloolgeel.

Hoos ka dhegeyso taageerada Aloore.