Fadeexad:Odawaa wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in aannu aaminsanayn in Gobalka Mudug lakala Qaybsho, dastuurka meelna ugama qorna in hal Gobal laka qaybsho

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirka arrimaha Gudaha oo su’aallo laga waydiiyay barnaamijka Dood Wadaag ee Universal Tv oo ka jawaabay su aal ku sabsanayd qaabka loo soo xulay Gudiyada Xuduudaha, iyo kuwa Doorashooyinka 2016, ayaa kaga jawaabay in ay wasaaradiisa arriaha Gudaha ay 21 Casho ku soo xushay dadka xubnaha ka noqonaya Gudiyadaas
Wasiirka ayaa sheegay in ay iclaamiyeen in ay soo codsadaan dadka ka mid noqonaya xubnaha Gudiyadaas, dabadeedna ay dadkii soo codsaday xubnaha ay ka midyihiin hadda, tani oo ka hor imanaysa dastuurka Federaalka, waayo waxay ahayd in Dawlad Gabaleedyadu ka qaybqaataan qaabka Gudiyadaas loo xulayo.

Dhanka kalena waxaa uu Odawaa ka hadlay waxa uu ka aaminsanyahay maaumul usamaynta Gobalada dhexe, isaga oo sheegay in ay la qaldantahay in hal Gobal lakala qaybsho dastuurkana aynan ku qornayn.
Dastuurka ayaa qoraya in Maamul Gobaleedyadu ay ka koobnaan karaan 2 Gobal iyo bar