Fadeexad:Qiimaha Duulista ee Stockholm Addis-ababa iyo Addis-ababa Hargaysa oo isku qaymo noqday(warbixin Sawirro iyo cadaymo wadata)

Filed under: Aqoon-kororsi,Wararka |

Warbaahinta Puntlandobserver ayaa maantana idiin soo gudbinaysa warbixin cajiib ah oo cadaymo wadata oo ku saabsan sida shacabka Soomaalidaa ay meel walba aduunka ugu dulmanyihiin.

Annagoo awal aad ula yaabanaan jirnay qiimaha diyaradda ee Dubai iyo Soomaaliya oo ah Qiimo aad iyo aad u qaaliya marka laga eeggo masaafada ay Soomaaliya iyo Dubai isku jiraan ayaa hadana waxaa Cajiib noqotay in Ethiopian Airline ay ku dayato Diyaaradihii awal furan jiray shacabka Soomaaliya u safraya waliba xili qiimihii Baansiinka uu aad hoos ugu dhacay.

Hadaba haddii aad google garaysid, Qiimaha ay Ethiopian airline ku qaaddo qofka ka safraya Stockholm oo u socda Addisababa ayaad arkaysaa in uu yahay 457 Euro, stocholm iyo addis ababa waxay isku jiraan masaafo ka baddan 6000 km, halka ay addis iyo Hargaysa isku jiraan dhowr boqol oo km, hoos ka eeg masawirada masaafooyinka
stocholm addis

addis-hargaysa

Halka Qiimaha isla Ethiopian airline ay ka qaadanayso qofka Addis ka safraya oo Hargaysa u safraya qiima u dhigma kii stockholm addis oo ah 457 Euro.

Halkaan hoosana ka eeg masawirada cadaynaya qiimaha iyo webka
stocholm addis flight

staocholm addis fl

Source http://www.tripadvisor.com/CheapFlights?&travelers=1&pax0=a&cos=0&nonstop=no&airport0=ARN&airport1=ADD&date0=20150228&time0=0024&date1=20150307&time1=0024&nearby0=no&nearby1=no&provider0=Expedia&cr=1