Falanqayn Nidaamka Caddaaladda ku Salaysnaa ee loo Tartansiiyay Shaqaalihii u Tartamay 8-da Boos ee Wasaaradda Dastuurka ka bannaanayd iyo Guul Xukuumadda Gaas usoo hoyatay

Filed under: Wararka |

Bismillah.
Waxaa maanta ay noqonaysaa maalin ay farxad iyo rayn rayn usoo hoyatay dhammaan umadda Soomaaliyeed meeshay doonaan ha jooggaan, kadib markii wasaaradda Dastuurka puntland oo 8 boos oo shaqo oo markaas ka banaanaa, shaqaalihii shaqada soo codsaday si cadaalad Nidaam iyo Xeer ku salaysay shaqaalihii loo tartansiiyay haday noqon lahayd markii hore ee shaqada la dalbanayay oo si cadaaladda loo soo bandhigay iyadoo lagu soo bandhigay oo laga iclaamiyay Idaacadaha iyo Shabakadaha Soomaalida.

Dadka ay wasaaraddu u baahnayd ayaa ahaa 8 shaqaale oo qura, halka dadkii shaqada soo dalbaday ay noqdeen 402 Ruux.

Si kastaba ha ahaate arrinkan ayaa wuxuu si gaara ugu noqonaya Guul la taabankaro Xukuumadda madaxwayne Gaas oo ku dhaqaaqay tallaabaddii ay shacabku ka sugayeen tii ugu wanaagsanayd.

ogow arrinkan waa arrin culus xitaa wadamada reer galbeedkaa ee sidan oo kale uu uga hirgallo in shaqaalaha si cadaalada loo tartansiiyo waa farakutiris, waliba Puntland oo dhaqaalo xumo xun ka jirto in shaqaalihii sidaas caddaaladdaa loo tartansiiyo, waxay noqonaysaa billow u billowday Soomaaloo dhan waayo Soomaalidu waa isku daydaan.

HALKAAN KA EEG WARBIXINO PUNTLANDOBSERVER KA QORTAY ARRIMO LA XIRIIRA ARRIMAHAN

Dhagaeyso Madaxwayne Gaas oo Sheegay in Qaadashada Shaqaalaha Puntland lagu qaadan doono tartan

Fadeexad Madaxwayne Gaas kasoo wajihi doonta xilalka uu u magacaabayo kooxihii u olalayn jiray xiligii doorashada

cadaalad
WARBIXNTA
(Sawirro) Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland oo ka qeyb galay munaasabad lagusoo dhaweynayay shaqaalaha cusub ee wasaarada dastuurka Puntland

One Response to Falanqayn Nidaamka Caddaaladda ku Salaysnaa ee loo Tartansiiyay Shaqaalihii u Tartamay 8-da Boos ee Wasaaradda Dastuurka ka bannaanayd iyo Guul Xukuumadda Gaas usoo hoyatay