Falanqayn Sababta Soomaaliya ay Meel Walba Fawdo uga Socoto, waayo Sharciga ayaan Shakhsiga ka sarayn (Qormo Kooban)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Umadkasta wixii ay doonaan baa illaahay ku abaal mariyaa, ciladda Soomaalida haysata waxay iska qaban waayeen madaxdooda, waana qaladka ugu wayn oo waxaynan aqoon sida loola xisaabtamo madaxda ay doortaan.

Akhri maqaalada aan Puntlandobserver muddo dheer ku baahinaynay Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad)
Tusaale haddii Markii Madaxwaynaha Puntland uu xukunka la wareegay ay shacabka Puntland awoodda isugu gayn lahaayeen sidii Sharcigu Ugasaraynlahaa ruux walba, waayo umaddu waxay isku darsadeen waxaa lagu illaashaa sharciga oo ruux walba ka sareeya.

Taa badalkeeda waxaa geed dheer iyo mid gaaban loo fariistay sidii uu ruuxwalba jago aannu usoo dhididin uu hab qaldan iyo hab laaluush ugu raadin lahaa Madaxwaynaha, mid Isim soo kaxaysta, Mid reer Hebel Soo kaxaysta, waa umad hab qaldan dhamaantood wax ku raadinaya daawo videogaan sida uu musuqmaasuqu uu caqabadda koobaad ugu yahay in umad la horumariyo.

Waana sababtaas sababta uu maanta Cabdisamad Gallan oo u shaqeeyab Ururada Damul jadiid iyo Alshabaab ay maanta dad badan ugu sacabinayaan.

Hadaad gayiga Soomaalida eegto meel fiyow malaha tusaale wiigaan maxaa dhacay.

Alshabaab waxay shalay dul fariisteen Afmadow iyo Dhooblay.
Jawhar waxaa lagu dilay Taliyihii Nisa.
Gaalkacyo waxaa lagu dilay Agaasimihii Qorshaynta
Gaashaamo waxaa lagu xasuuqay shacab ay Dumar ku jiraan.
Widhwidh waxaa ka socda dagaal
Goldogab meel u dhaw waxaa ka socda dagaal
Carmo waxaa qabsaday Gallan.
Muqdisho waxaa ka socda dagaalo markii habbeenkii la gaaro
Barbera waxaa ka socda banaanbaxyo lagu diidantahay Dubai World
Xasan Culusow wuxuu iska magacawday Guddi Doorasho oo uu soo xusheen kooxdiisii umaddu khadyaanka ka taagnayd
Baydhaba waxaa ka socda shirkii madasha iyadoo arrimo badan la isku khilaafsanyahay.

Hadday xaaladda Soomaaliya sidaas tahay
Dalka China oo ay ku nool yihiin 1400 oo million wax rabsahda kama jiraan waayo sharciga ayaa shaqaynaya.
Dalka India oo ay ku nool yihiin 1300 oo million rabsho kama soo yeerayso
Dalalka Westrenka oo ay ku nool yihiin illaa 800 oo million oo dalal fara badan wax rabshada ka ma jiraan waayo sharcigaa cidwalba ka sareeya.

Magaalada ganacsiga ee Istanbuul ee Turkiga waxaa ku nool 15 million illaa 17 million waana nabad galyo waayo sharciga ayaa shakhsi kasta ka sareeya.

Soomaalida waxaa lagu qiyaasaa illaa 10 million oo waxaa ka badan dadka magaakada istanbuul ku nool.

Isku soo duub hadday Soomaali doonayaan xal-waara, waa in ay awoodda saaraan sidii sharcigu cidwalba uga sarayn lahaa, waana in ay u kacaan iyagoo isku duuban sidii ay dalkooda u bad baadin lahaayeen.

Hal qof iyo 10 toona, dal ma bad baadshaan ee waxaa loo baahanyahay kumanaan qof oo isku aragtiya

P/O Desk

One Response to Falanqayn Sababta Soomaaliya ay Meel Walba Fawdo uga Socoto, waayo Sharciga ayaan Shakhsiga ka sarayn (Qormo Kooban)

  1. Pingback: Falanqayn Sababta Soomaaliya ay Meel Walba Fawdo uga Socoto, waayo Sharciga ayaan Shakhsiga ka sarayn (Qormo Kooban) - Daily Somalia Report