Falanqayn Siyaasadaha Ku Xeeran Gobalada Sool, Sanaag-bari iyo Cayn(Buuhoodle) (Qormo Muhim Ah)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

xalka Soomaaliya
Dhulka Soomaalida ayaa Ku Yaal Goob Istraatiji ah Waxaana jira Siyaasado dalal Shisheeye oo dano ka lah, iyo Siyaasado ay kala riixanayaan Siyaasiyiinta Soomaalida, waxaanan qormadan si kooban ugu eegaynaa xaaladda siyaasadeed ee murugsan ee Gobalada Sool , Sanaag-bari iyo Cayn (Buuhoodle) .

Siyaasadaha u dhexeeya Siyaasiyiinta Soomaalida

Siyaasiyiinta Beesha Isaaq.
Siyaasiyiinta Beelaha Isaaq ayaa aaminsan haddii Soomaali wax isku darsato in ay Siyiisiyiinta Beelaha Daarood ka fursad fiican yihiin maadaama ay beesha Daarood ka deegaan baaxad ballaarantahay deegaanada ay degaan beesha Isaaq, haddii siyaasiyiinta Soomaalida ay Siyaasadda Qabyaaladeeyaan waxaa laga fursad fiicnaanayaa siyaasiyiinta Beelaha Isaaq, waana sababta ay u door bidayaan in ay Soomaaliya ka go’aan oo ay la go’aan qayb kamida deegaanada beelaha Daaroodka.

Siyaasiyiinta Beesha Daarood.

Siyaasiyiinta Beesha Daarood ayaa aaminsan in ay lagama maarmaantahay midnimada Soomaaliya, waayo haddii Soomaali lakala gooyo siyaasiyiinta beesha daarood waxay koonfur iyo waqooyiba ka noqonyaan Laangaab, laakiin haddii ay Soomaaliya mid tahay waxay marwalba noqonyaan Laandheere.

Siyaasadaha dibadda ee Beesha Caalamka

Reer Galbeedka waliba Maraykanka iyo Ingiriiska oo aduunka si dadban u maamula, ayaa iyaguna si hoose u taageera fikirka ay qabaan siyaasiyiinta beesha Isaaq waayo, beesha Daarood waa beesha ugu Deegaanka Ballaaran Deegaanada dhulka Soomaalida, waxaana la damacsanyahay in Beesha Daarood ay ka noqdaan deegaanada Soomaalida halka ay Oramadu ka yihiin dhulka Ethiopia.

Sababtoo ah Beesha Daarood ayaa waxaa ay degaan deegaanada ugu ballaaran deegaanada dhulka Soomaalida, waxayna 90% degaan deegaanada ay haystaan Ethiopia iyo Kenya, sidaas la ajligeed lama aamino karro beesha Daarood.

Siyaasiyiinta xagjirkaa ee reer Galbeedka iyo shirkadaha Macdanta booba waxay u arkaan in deegaanada beesha Daarood lakala qaybsho “WIN WIN”.
Marka koobaad waxay u arkaan in ay beesha Daarood hallis ku yihiin jiritaanka qaranka Ethiopia oo ay maamulaan qowmiyadaha Kiristankaa ee Tigreega iyo Amxaarada, halka qowmiyadda ugu deegaanka ballaaran ee Oromada laga illaasho in ay xukunka dalka qabtaan maadaama ay badidoodo haystaan diinta islaamka.

Siyaasadahaan isjiidanaya ayaa waxay Gobalada Sool Iyo Sanaag ku noqdeen dhibaato ay ladaala dhacaan shacabka deegaanadaas degan oo dhibaato ballaaran kasoo gaadhay siyaasadahaas isdaba jiidanaya illaa beesha Caalamka.

Maxaa Xal Ah

P/O ayaan ku daabacnay xilli hore
Deeganada SSC siyaasadooda oo xal loo hello waa kala bar xalka Soomaaliya (Maqaal)

Xalka ugu fudud waxaan u aragnaa in deegaanadaas Sool iyo Sanaag-Bari iyo cayn (Buuhoodle) loo sameeyo Maamul Gobaleed u gooniya oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland, kaasoo aan u aragno xalka ugu dhaw oo meel dhexe u ahaan lahaa siyaasiyiinta faraha badan ee ku loolamaya siyaasadda Sool, Sanaag-Bari iyo cayn (Buuhoodle).

xalka kaliya ee Soomaali lagu badbaadinkarro waa hanaanka Federaalka maadaama ay Soomaali Qabiil isku laayeen Qabiiladiina aynan wali heshiin waxaa loo baahanyahay in ay Soomaalidu u tanaasulaan wixii xal u keenaya umadda Soomaaliyeed oo dhan oo ay qoli walba ka tanaasusho waxay ay jecelyihiin maadaama ay suuragal iyo xal dhexe u ahayn dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Yaa diidan in Somaliland la aqoonsado

Xaqiiqiyan Soomaaliland sida lagu aqoonsadaa way adagtahay, kaliya waxaa la aqoonsan lahaa haddii uu ingiriisku aduunka xoog ku maamuli lahaa laakiin maanta Ingiriisku waa hal dal oo kamida 190 dal ee duida.

Haddii ay Ethiopia ku nool yihiin 80 Qowmiyadood–Halkaanka akhri oo kala diina, kala jinsiya, kala luuqada, isla markaasna si xun isku gumaysta, aduunku wuxuu dhigtay shuruudo aad u adag marka dal uu doonayo in uun dal kale ka go’o, waa in ay jiraan kooxaha ka go’aya shacabka intiisa kale in ay cadeeyaan wixii ay u go’ayeen ee lagu cadaadinayay, sida Jinsi ama Diin.

Proff Axmed isaaciil Samatar ayaa Baarlamaanka Iswiidhan kusoo bandhigay sababta ay Soomaaliland shacabkeedu uga go’ayaan Sooomaalida inteeda kale.
Proff-ka ayaa kusoo koobay u bucda hadalkiisii in ay Soomaaliland doonayaan Horumar iyo Dimoqraadiyad iyo cadaalad aan ka jirin Koonfurta Soomaaliya.

Waa hadal aad u raqiisa dadkii meesha joogayna waa ay la yaabeen, waayo haddii ay jiraan matalan siyaasiyiin Iswidhish ah oo dalka ku xukumay hanaan musuq maasuq, maxad samaynaysaa hadaad tahay siyaasi Swedish ah oo diidan musuqmaasuqa, sow adiga siyaasigaa ee aqoon yahankaa ma ahan in aad la timaaddo fikirkii looga hor imanlahaa kuwa musuq maasuqa wada.
Ma waxaad la shir imanaysaa shacabka reer Sweden baan kala qaybinayaa????????.

Si kastaba ha ahaato waxaa cad in aynan soconayn oo beesha caalamka ay yeelaan siyaasadda goooni isutaagga Somaliland, waxaana wanaagsan in aynan siyaasiyiinta Somaliland waqti badan isaga dhumin arrin aan aduunka laga yeelayn, iyadoo ay usii dheertahay aduunka oo maanta ka warhaya in fikirka gooni isutaagga ay wataan qayb ka mida siyaasiyiinta beesha Isaaq ee aynan xitaa u dhamayn dadka degan gobaladii waqooyi ee ingiriisku calaamadsaday oo dhan.

Waxaa wanaagsan in ay siyaasiyiinta beesha isaaq ku dhiiradaan in ay Soomaali oo dhan maamulaan oo xitaa ku gorgortamaan in ay Caasimadda ama Madaxwaynaha mid la siiyo oo ayba hormuud ka noqdaan dib u yagleedidda qaran Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale si gooniya oo madax banaan u maamulanaya dowlad Gobaleedka Somaliland oo aynan cidi ku fara galinayn.

Dhanka kalena Beesha caalamka khaasatan reer Galneedka oo ay maanta dalalkooda ku nool yihiin dad asalkoodu Soomaaliyahay oo Million gaaraya in ay qudhoodu Soomaalida u hiiliyaan oo nidaamka Federaalkaa oo cidwalba u dana kala shaqeeyaan kuna booriyaan siyaasiyiinta beesha Isaaq in qaataan hanaanka Federaalka, waayo maanta Soomaalidu waa shacab ku dhexnool dunida reer Galbeedka oo la bahwadaaga maantay.

Ethiopia.
Ethiopia maanta waxaa xal u ah dalka Soomaaliya oo nabada oo ay shacabka Soomaalida iyo Kuwa Ethiopia ay inta gacmaha isqabsadaan nabadda iyo horumarka shacabkooda kawada shaqeeyaan, waliba sidii deegaanka iyo dhirta loo wada illaalinlahaa laga wada shaqeeyo, waana laba shacab oo isku aragtiya oo walaalo ah oo isleh.

Puntladnobserver Desk

3 Responses to Falanqayn Siyaasadaha Ku Xeeran Gobalada Sool, Sanaag-bari iyo Cayn(Buuhoodle) (Qormo Muhim Ah)

  1. Pingback: Falanqayn Siyaasadaha Ku Xeeran Gobalada Sool, Sanaag-bari iyo Cayn(Buuhoodle) (Qormo Muhim Ah) - Daily Somalia Report