Fallanqayn Dhanka Qabyadda: Maxaa Dhici Kara Haddii Siyaasadda Soomaaliya Aan Laga Qaybgallin Mudulood Iyo Kablalax

Filed under: Wararka |

Iyadoo ay wali soomaali dhextaal kalsooni daradii ka dhalatay dagaaladii Sokeeye ayaa hadana maanta Soomaali gees ka gees waxaa ka go’an in ay mar un qaran ay ku midaysan yihiin dhistaan.
Si kastaba ha ahaato waxaa jira isxulafaysi dhanka Mareexaan Habar-Gidir-Dhulbahante qaarkood.
Iyo Is xulafaysi Gablalax Iyo Mudulood

Dhanka Siyaasadda.

Beelaha kablalax iyo Mudolood oo aad mooddaa in hadda siyaasadda Soomaaliya ay ku socdaan in dibad joog laga dhigo.

Mudulood iyo Kablalax ayaan ka mid ahayn.

Gudoonka Aqalka Hoose.
Gudoonka Aqalka Sare
Gudoonka Madaxtooyada.
Madaxa Garsoorka.

Dood kale ayaa oranaysa haddii ay xukuumaddii hore ka koobnayd Mudulood iyo Kablaxax, oo markaas ay Habar-gidir iyo Mareexaan banaanka siyaasadda ka joogeen, maxaa hadda doodaan keenay.

Doodaas ayaa jawaabteedu noqonaysaa Xasan Sh waxaa keensaday habargidir, Raysalwasarayaashii la keenayay waxay ahaayeen qaar ay Habar-gidir aqballeen, laakiin Farmaajo ayay hadda saarantahay calaamad su’aal ma nin Soomaali oo dhan wada keensatay baa mise aakhirka kooxaysigii buu dhexda u gali doonaa, waxay ku xirantahay kartida Farmaajo.

Iyadoo ay waxaas oo dhan iyo kala shaki farabadan jirro hadana waxaa soomaali looga fadhiyaa sidii cadaaladda iyo eex la’aanta looga shaqayn lahaa oo maanta Soomaali loo midayn lahaa.

Waxay ka dhigantahay sidii darbi adag oo shub ah loo dummin lahaa.

Illaahow tubta toosan umadda ku toosi

3 Responses to Fallanqayn Dhanka Qabyadda: Maxaa Dhici Kara Haddii Siyaasadda Soomaaliya Aan Laga Qaybgallin Mudulood Iyo Kablalax