Fallanqayn Khudbaddii Taariikhiga ahayd ee Faroole

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Faroole waa khabiir culus oo ruug cadaa ah, waxaana uu maanta jeediyay Khudbad Culus oo runtii aad usoo jiidanaysay dadka fahansan siyaasadda Soomaaliya, waliba wuxuu soo bandhigay qorshe cad oo uu waliba khibrad u leeyahay.

Majiro musharax la khibrada faroole, laakiin hal cilad buu Faroole leeyahay, taasi oo ah xukun maroorsigii laga dhaxlay siyaasaddii xukuumaddii siyaad barre.

Marka laga tago cudurkaas xukun boobka ayuu faroole runtii aad ugu habboonaan lahaa in Madaxwayne loo doorto.
Illaa hadda waxaa khudbadda Faroole aad ugu cadeyn in ay Madaxwayne shaqadiisu tahay Illaaliye hay’adaha dawladda ee kala duwan, haddii uu intaas cadayn lahaa wuxuu noqon lahaa nin aan cidkale soo bandhigi karin qorshahiisa siyaasadeed

Musharaxiinta sida cad illaa hadda u cadeeyay in ay shaqada madaxwne ku ekaan doonaan waxaa ka mid ah

Musharax Cali Xaaji.
Musharax Sakariye
Mushaeax Deni

Dhanka kalena
Musharaxiin badan oo ay ugu horeeyaan
Mushax Jibriil
Musharax Tarsan¨
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuu

Ayaa sheegay in ay xukuumadahooda wax ku gö’aamin doonaan Tala Wadaag

Raali gallin musharaxiinta aan ka tagnay, musharaxiintaan waa intii tviyada doodaha ka baxa aan ka daalacanay iyo khudbada musharaxiinta

U jeedada aan ka leenahay waa saraynta sharciga ee ma ahan wax kale.

Akhri qormada hoose yo linkiyada ku lifaaqan ee arrinkaas ka hadlaya

Ilka Xanaf:Musharaxiinta Madaxwaynayaasha Waxay Leeyihiin Waxaan Samaynaynaa Shaqadii Golaha Xukuumadda Madaxwaynuhu Malaha Awoodaas Waa Dastuur Illaaliye shaqada Madaxwaynaha (Qormo muhiima Fadlan Akhri)

One Response to Fallanqayn Khudbaddii Taariikhiga ahayd ee Faroole

  1. Pingback: Fallanqayn Khudbaddii Taariikhiga ahayd ee Faroole - Daily Somalia Report