Farmaajo Oo Qafis Lagu Xirtay iyo Talo Loo Jeedinahyo

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

talo

-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Waxaan ku wargallinaynaa 08-02-2017 taariikhda baal dahaba gashay baa Farmaajo loo dhiibbay, ogow doorashaadii Farmaajo Soomaaliya meel aan laga soo dhawaynin in aynan jirrin, Hargaysa, Boosaaso,Jigjiga, Gaarisa, Muqdisho, Cadaado, Dibadaha meel ay Soomaali joogtaba.

-Ma ahayn jacayl gaara oo Farmaajo loo qabo, ee himilada shacabka Soomaaliyeed in uu fulliyo bay ahayd.

-Arrintii dhacday usbuucii dhawayd ee ahayd dhiibiddii Cabdikariin Qalbi-dhagax, taasaa daaqadda ka saadhay hankii shacabka Soomaaliyeed ay qabbeen, haddaad ogatahay iyo hadaadan ogaynba aday kuu taallaa.

-Dad wax qora ama wax akhriya in aynan ka shaqaynan xafiiska Madaxwaynaha ayaa halkaa ka cad, waliba kuwa uu farmaajo tooska u magacawday weeye kuwa ugu liita, sida Fahad Yaasiin iyo Cabdirisaaq Shoole.

-Marka Xafiiskaaga waa in aad jawaasiista ka sifaysaa, iyo wasaaradaha oo dhan.

-Madaxwayne ma akhrisay  warqaddii Yuusuf Garaad, iyo warqaddii Golaha wasiiradu soo saareen oo ay uga hadlahayeen arrinka Qalbi Dhagax.

-Qofkii wax qora ama wax akhriya wuxuu garanahayaa waxay Saxiixeen, Mahad Salaad iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Jaamac Mursal (Geele)

-Waxay saxiixeen sharci ma ahayn, wax wax lagu dhiibana ma aynan ahayn, Golaha shacabka  lama keennin sharcina ma ahayn in wax lagu dhiibbo.

-Balse warqaddii Golaha wasiirada kasoo baxday, baa waxay sharciyaysay ONLF in ay tahay argagixiso, qaranka Soomaaliyeedna darteed uu u burburray, oo waxaa isaga dhex darsamay, dadka xaqooqda u dirirahaya iyo dadka argagixisadaa miyaa, oo waa isku buuqeen.

-Arrintaasna waxay noqonaysaa arrin la isaga dabatago, ee ma ahan arrin la isaga harahayo.

-Waxaan talo kuugu soo jeedinaynaa.

In dawladda lakala furfuro, oo waxaa la rabaa in Golaha shacabka iyo Golaha senetk iyo Madaxwaynaha in aan loo dhaxaynin.

-Wasaaradda Gaashaan-dhiguna in ay Xamar ku shaqayso, oo Madaxwaynaha ay hoos timaado, oo sharcigaas baarlamaanka la marsiiyo.

Golaha shacabkana in Kismaayo la dajajiyo oo ay ku shaqeeyaan.

 

-Gobalada kale ee nabaddaa in Wasaaradaha qaar lakala geeyo.

156-da shirkadood ee aan la aqoon waxay qabtaan ee xalane degan in baaritaan lagu sameeyo oo kadibna lahubiyo wixii sharciyad ku joogga, waxa kalena wadanka laga saarro.

-Illaa 5000 oo ardayda dugsiydaa sare iyo Jaamacadaha kasoo baxa loo tababaro, saraakiil Boolisa iyo sir-doon

-In uu Madaxwaynuu soo bandhigo wadanka siyaasadda lagu hagahayo dal iyo dibadba oo maamul gobaleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed lala wadaago, oo dadka aqoonta u leh uu lala kaashado, oo siyaasaddu ay noqon warqad qura ee uu Yusuf Garaad qore, iyo nin ka la afduubto oo Itoobiya laga iibsado.

  • Weerarkuna hadduu kugu billaabanahayaa oo Qalbidhagax waa bilowgii iyo warqadda Yusuf Garaad qoray, waxaana ka danbeeyay ragga xafiisyada kula fadhiya oo aad u  malaynayso in ay talo kusiinahayaan.
  • Wixii sharci u baahanna in Baarlamaanka la horgeeyo.

Qore Warsame Axmed

 

4 Responses to Farmaajo Oo Qafis Lagu Xirtay iyo Talo Loo Jeedinahyo