Farxadda Adduunka

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Wararka |

Farxadda Adduunka

“Caddaalad la’aani waa farxad la’aan” [No justice no happiness].

Ruuxii farxad baadiggoobaya, ha daymoodo waddanka Denmark. Daraasado sannado badan oo is-dabajoog ah la sameeyey, ayaa Denmark noqotay dalka adduunka ugu farxadda badan. Waddammada xubnaha ka ah Qarammada Midoobey [QM] waxay soo jeediyeen sannaddii 2011kii in qiimeeyn lagu sameeyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah farxadda muwaadinnada dalalkooda, dabadeed u adeegsadaan yool siyaasadeed. Sannad kaddib waxaa soo baxday warbixintii ugu horreeysey farxadda adduunka “world happiness report”. Soomaaliya waxay ka gashay kaalinta 76aad. Su’aasha muhimka ah waxay tahay: miyaa farxadda la qiimeeyn karaa? Jawaabtu waa haa, sida tirakoobka cilmibbaarayaashu ku caddahay.

Sannad kasta QM ayaa soo saarta warbixin dhammeeystiran waddammo tiradoodu gaadhayso ilaa boqol iyo konton oo ka hadlaysa farxadda adduunka. Waxaa soo saarayaasha warbixinta ka mid ah Prof Richard Layard. Kooxda warbixintu waxay siyaasiinta waddamadaas ka dalbadeen in farxadda qayb ka noqoto ajendayaashooda muhimka ah. Waxaa Prof Layard, dhaqaalayahan Ingiriisi ah, sheegey, “In la rajeeynayo warbixinta farxadda adduunka saameeyn ku yeelato go’aammada siyaasadeed si farxadda yool siyaasadeed looga dhigo.” Waddammada kala ah Bhutan, Venezuela iyo Imaaraadka Carabta Midoobey waxay leeyihiin wasiirro u qaabbilsan farxadda. Waxaannu hoos ku xusaynnaa tobonka dal ee ugu horreeya farxadda adduunka:

  1. Denmark 2. Switzerland 3. Iceland 4. Norway 5. Finland 6. Kanada 7. Netherlands 8. New Zealand 9. Awstralia 10.Sweden

Maxaa farxadda keena?

Khubarrada warbixinta soo saartay waxay daraasaddooda ku saleeyeen lix qodob oo sharraxaya saameeynta farxaddu leedahay.

  1. Wax-soo-saar sannadeedka guud ee gudaha dalka [GDP per capita]. Macnaheedu waa qiimahay ku fadhiyo ruux kasta gudaha dalka wax-soo-saara sida: adeegyo iyo badeecadaha wax-soo-saarka warshadaha. Lacagtu kaalin bay ku leedahay mase ahan waxa ugu muhiimsan. Waddammo adduunka ka mid ah, kuwa ugu hodansan sida, Qaddar iyo Kuweyd waxay galeen kaalin dhexe. Jarmalka oo dhaqaalaha ugu weyn Yurub leh wuxuu hadda ku jiraa kaalinta 16aad.
  2. Cimriga dadka – ilaa iyo immisa bay dhantahay oo heli karaan adeeg caafimaad oo u dhammeeystiran. Waxa lagu qiimeeyaa  ilaa 63 sano qiimeeynta 2015 hay’adda QM caafiimaadka u qaabbilsan dunida [WHO] waxay qiimeeysay in cimriga dadka Denmark yahay 71 sano. Waxa taa ka dhigan waddanka dunida ugu cimriga dheer dadkiisa, halka dalalka dunida ugu cimrigaabanyahay dadkiisu yihiin dalalka Afrika. Tusaale, Sierra Leone waxay dhantahay 44 sano. Waxa Afrika iyo dalalka saboolka farxad iyo dhiirriggelin u ah in dhowaan madaxa hay’adda WHO markii ugu horreeysay taariikhda loo doortay nin Afrikaan ah, wasiirkii hore caafimaadka ee Itoobiya, Dr. Tedros. Waa dhakhtar khabiir ku ah malaariyada. Intii wasiirka uu ahaa wuxuu dalkiisa kala dagaalamay cudurrada faafa sida: qaaxada, malaariyada iyo AIDS-ka. Waxaa la filayaa, isagoo asal ahaan ka soo jeeda Afrika xog dheerna ka hayo cudurradaas qaaradda dhan aafeeyey in hay’addiisu iyo xukuumadaha Afrika oo iskaashanaya ay ka ciribtiraan oo sidoo kale wax ka qabtaan horumarinta caafimaadka, fayadhawrka, daryeel la’aanta caafimaad muwaadinnada Afrika iyo dalalka dunida ugu saboolsan iyo sidii danyarta u heli lahayd adeeg caafimaad oo bilaash ah.
  3. Isku tiirsanaanta bulsho – waa qodob muhim ah – ma jirtaa marka musiibo iyo daruufo adag yimaadaan, Ilaah mooyee, cid loo baxsado oo danyarta u hiilisa? Dadkuse mar walba ma ku xisaabtamaan ehel iyo qaraabo xilliyada ugu xuntahay?
  4. Madaxbannaanida shakhsiga – ilaa intee in le’eg ayay dadku xorriyad haystaan? Sidee ayay u doonayaan in noloshooda u qorsheeystaan?
  5. Gargaarka – immisa goor bay dadku hantidooda wax wanaagsan ama sabab wanaagsan ku deeqaan? Immisa jeer bay bulshada kuwooda ugu baahida badan u caawiyaan? Qodobkan waa midka ugu xiisaha badan. Waayo xigmad soo-jireen ah ayaa oranaysaa: “Farxaddu waa shayga qudha ee labanlaabanta kolka la wadaago.” [Happiness is the only thing that doubles when you share it.] (Albert Schweitzer, 1875-1965, dhakhtar Jarmal)
  6. Intee in le’eg ayuu musuqmaasuqu siyaasadda iyo shirkadaha ganacsiga ku dhex baahsanyahay? Qodobkani dhinacyo badan ayuu wax ka tusaaleeynayaa. Marka aysan jirinnin is-aamminid, marka bulshadu caddaaladdarro dhexdeeda ku dhaqanto, kolkaa farxadda boos uga bannaani ma jirto. “Caddaalad la’aani waa farxad la’aan” [No justice no happiness]. Shakhsigu wuxuu farxi karaa keliya kolka bulsho faraxsan uu ku dhex noolyahay. Hase ahaatee, ugu horreyn shakhsiyado faraxsan baa bulsho faraxsan abuura.

Cilmibbaaris cusub la sameeyey waxa lagu ogaaday in dadku ku qanacsanyihiin noloshooda kolka loo simanyahay fursadaha waddanka. Waxaa soo saarayaasha warbixinta farxadda adduunka xuseen in ay sinnaan la’aantu korortay. Fursadaha boqolkiiba kala bar iyo in ka badan waddammada ay daraasadaha ka sameeyeen. Taa macnaheedu, 150 waddan labo loo qaybsho 150/2 waxay noqotay 75 waddan iyo in kab badan.

“Waxaynnu aragnaa dhibaatooyin xajmi weyn leh in ay horyaallaan qarniga kow iyo labaatanaad Dhanka wanaagsan kolka aynnu eegno mabda’a farxadda waxa xiisaggeliyey oo mideeyey dadyow kala dudduwan sida: da’aaddooda, dhammaan dhaqammada iyo dabaqadaha,” Prof Richard Layard ayaa sheegey.

 

Yaasiin Cabdullaahi Faash

yaasiinfaash@outlook.com