Faysal Cali Waraabe oo Marxuum Cali Samatar Iyo Calankii Buluugga Ahaa Cambaareeyay (Faysal Sowkii Xukuumaddii Cali Samatar Ka Tirsanaa Markii Jamhaddii SSFD ay Dagaalamaysay Majeeerteenka Iyo Isaaqa la Xasuuqayay yaa la qaldayaa )

Filed under: Important News,Wararka |

Xukuumaddii Siyaad Barre markii ugu horaysay waxaa mucaaraday Jamhaddii SSDF ee uu hogaaminayay Cabdullaahi Yusuf, waxaana uu siyaad Barre xasuuqay beesha Majeerteen oo markaas baraagaheedii lagubay, saraakiishii la laayay, waxwalba iyo hanti ay lahaayeen la xalaalaystay.

Ciidamadii gubay baraagaha deegaanada Majeerteen ee xukuumaddii Siyaad Barre waxaa hogaaminayay Mujaahid Dhagawayne
Dhagawayne ayaa markii danbe ku biiray Jamhaddii SNM, waana sababta lowgu bixiyay Mujaahid dhagawayne, inkastoo uu Cali Khaliif ku dacaayadeeyay maalin dhawayd Mujaahid aan Ingiriis la dagaalamin.

Gen Cali Samatar oo kasoo jeeda Beelaha laga tirada badan yahay wuxuu ahaa Wasiirkii Gaahsaandhigga iyo Madaxwayne Ku Xigeenkii xukuumaddii Siyaad Barre waxaana la isku raacay in uu ahaa nin aad u shakhsiyad wanaagsan balse ku shaqeeya amarka xukuumad kaligi talis oo ciddii xukuumad kaligii talis mucaaradda aduunkoo dhan waa laga yaqaan in la xasuuqo.

Hase yeeshii falkii ay u gaysatay dadkii shacabka ahaa ee reer waqooyi xukuumaddii Siyaad Barre wuxuu ahaa fal xun oo waliba ay habboontahay in laga gudo kuwii falkaas gaystay maalin maalmaha ka mid ah.

Hase yeeshee faysal Cali Waraabe wuxuu waligiis hoos joogay oo la shaqaysanayay xukuumaddii Siyaad Barre, kama mid noqon jamhadihii faraha badnaa ee lasoo dagaalamay xukuumaddii Siyaad Barre, sida Jamhaddii SSDF, Jamhaddii SNM, Jamhaddii SPM, Jamhaddii USC.

Dhamaan wuu xasuuqay beelihii taageeray jamhadihii la dagaalamamay siyaad Barre ee ay soo caawinaysay dawladda Ethiopia.

Faysal wuxuu markaas ku sugnaa muqdisho illaa uu markii ay xukuumaddii Siyaad Barre burburtay uu yimid Finland, waxkale iska daa ee hadalkaas waxaa saas u cadeeyay Siilaanyo oo ka yaabay laba wajiilaynta Faysal Cali Waraabe maadaama uu Siilaanyo isku arko nin soo dagaalamay.

Siilaanyo ayaa sheegay in uu Faysal Siyaad Barre Basaas u ahaa.

Dadbadan baa aaminsan sida uu Faysal laba wajiile u yahay oo uu u marin habaabinayo shacabka dhalinyarada iyo dumarka u badan ee aan taariikhda warka u ahayn oo uu Faysal isaga dhigayo nin Faqash ka xoreeyay.

One Response to Faysal Cali Waraabe oo Marxuum Cali Samatar Iyo Calankii Buluugga Ahaa Cambaareeyay (Faysal Sowkii Xukuumaddii Cali Samatar Ka Tirsanaa Markii Jamhaddii SSFD ay Dagaalamaysay Majeeerteenka Iyo Isaaqa la Xasuuqayay yaa la qaldayaa )

  1. Pingback: Faysal Cali Waraabe oo Marxuum Cali Samatar Iyo Calankii Buluugga Ahaa Cambaareeyay (Faysal Sowkii Xukuumaddii Cali Samatar Ka Tirsanaa Markii Jamhaddii SSFD ay Dagaalamaysay Majeeerteenka Iyo Isaaqa la Xasuuqayay yaa la qaldayaa ) - Daily Somalia Report