Fikrado sida ay u dhacayso Doorashada 2016: Xildhibaan kasta waxaa soo dooranaya 100 ruux oo kasoo dooranaya Degmada uu kasoo jeedo, waana in uu Xisbi matalo 4.5 (dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Fikrado iyo hala-buurro kala duwan ayaa la isweydaarsanayaa ku saabsan sida looga gudbi karo sannadka 2016-ka oo ay ku egtahay muddadii hay’adaha dawladda ee xilligan jira. Doorasho toos ah o dadweynuhu soo doortaan madaxda iyo hoggaanka dalka ayaan laga yaabin inay dhacdo, waxaase dhinaca kale la is weydaarsanayaa fikrado ay ka mid yihiin in dhismaha baarlamaank ay doortaan ergoyin ku dhow 30kun, iyo in door la siiyo Maamul Goboleedyada, Xisbiyada oo la sharciyeeyo, iyo talo laga raadiyo odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka. Warbixin ku saabsan fikradihii ugu dambeeyey ee soo baxay oo noo diyaariyaya Haaruun Macruuf ka dhageyso xagga hoose.