Finland: Ururka Finn Church Aid Oo Casumay Wasiirada Arrimaha Gudaha; Waxbarashada Iyo Amniga Ee DFS-(Warbixin Kooban Lacago Mallaayiina Oo Uu Ururku Soomaaliya Ku Bixiyay)

Filed under: Important News,Wararka |

Ururka Ay Ku midoobay Kiniisadaha Finland ee Finn Church Aid, ayaa cusuumay Raysalwasaaraha Soomaaliya Wasiirro iyo agaasimayaal in ay yimaadaa dalka Finland mudada u dhaxaysa 1.10 illaa 5.10.2017.
Wasiirada uu Ururka Finn Church Aid Finland ku casumay waxaa ka mid ah-Cabdi Faarax Saeed-Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta
– Mudane Maxamed Abuukar Islow Dualle, Wasaaradda Amniga
– Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasaaradda Waxbarashada
– Mudane Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed, Wasaaradda Difaaca.
Raysalwasaaraha ayaa ka baaqday casumaaddii.

Warbixin ku saabsan mashaariicda uu ururka Finn Church Aid horey Soomaaliya ugu deeqay.

2007 ayaa waxaa ururka Finn Church Aid  lataliye u noqday laba nin  oo kamida Qurbajoogta Soomaalida Finland kana Soo jeeda Degmada Guriceel iyo Hargasysa, wixii sanadkaas 2007 ka danbeeyay Ururka Finn Church Aid  wixii arrimaha Sooomaaliya la xiriira wuxuu ururku ku shaqaynayay talooyinka Soomaalida lataliyaha u ah 

– Dhanka kale ururka Finn Church Aid waxaa u shaqaynayay dhawr qof oo intooda badan mashaariicda Soomaaliya ka socda ka shaqaynayay.

Mashaariicda lacagaha ugu badan uu ururku ku bixiyay kuwaasoo loo bixiyay mashaariicda nabadda.
Wuxuu ururku lacag badan ku bixiyay doorashadii DFS ee sanadkii 2012 Soomaaliya ka dhacday ee uu madaxwayne ka noqday Xasan Sh, waxaana lacagtaas lagu taageerayay Gudigii loo doortay arrimaha doorashooyinka ee ay Gudoomiye u ahayd Xaliima Yarey.

 

Halkaan ka eeg qoraalo badan oo P/O lagu daabacay qaabkii qaldanaa doorashooyinkii ay xaliima yarey daadihinaysay

Wuxuu kaloo ururka Finn Church Aid  ku bixiyay lacag dhan 5 million$ doorashadii lagu dhisay maamulka Galmudug, oo isna gudigii doorashada ee Galmudug ay Gudoomiye u ahayd isla Xaliima Yarey.

Halkaan hoose ka eeg

Central Regions Peace Initiative Project in Somalia

Soomaaliya iyo qaran burburkii.
Dhamaan dalalka kale wasiirada waxaa casuma Dawladda, mashaariicdana waxaa lagu bixiyaa dawlad to dawlad, inkastoo aynan waxba ku jabnayn haddii uu urur casumo dad madaxa balse inta badan ururadu waxay casumaan ururada kale, wasiirada dawladana waxaa wanaagsan in ay wasiiro kale casumaan-

Jaaliyadaha Soomaalida ayaa isku qabqabsada marka ay madax Soomaaliya ka socota dalka yimaadaan, waxaana ay Soomaalidu ku murmaan ciddii aakhirka la kulmi lahayd madaxda dalka yimid, iyadoo ay markasta oo madax Soomaaliya ka socota Finland yimaadaan ay jaaliyadaha Soomaalida ku kala dhintaan.

Dhanka mashaariicda la doonayo in Soomaaliya lagu bixinayo, waxaa gadaal ka wata lataliyayaasha ururka Finn Church Aid , Waa sida aan maqalnay, laakiin ururada Somaliliitto iyo Somaliverkosto waxaa la siiyay daadihinta shirka bari lagu qaban doono Jaamacadda Helsinki oo ay wasiiradu ka hadli doonaan.
Waxaana maalmahaanba ay jaaliyadaha Soomaalidu isku dagaalayeen daadihinta shirka jimcaha iyo igu sawir.

Waxaana ku adkaaday daadihinta igu sawir jaaliyadda Somalilliitto oo illaa baarlamaanka Finland u dacwo tagtay si ay u daadihiso shirka, laakiin aan wax shuqula ku lahayn mashaariicda malaayiinta lagu bixin doono, oo lowgu magacdaray mashaariicda Nabadda.

Qolooyinkaan mashaariicda nabadda wax ku dalbada ayaan waligood hal saac Soomaali isugu yeerin si nabaddii looga wada tashado, marka laga reebo mashaariic malaayiin lagu cadaynayo.