Finland:Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA) oo Macalimiinta Afsoomaaliga ka dhiga Finland Seminaar u ugu qabatay Helsink (Sawirro)

Filed under: Important News,Wararka |

Seminaarka Macallimiinta Finlad.

Waxa magaalda Helsinki ka dhacay seminaarka horemarinta afka Somaaliga waxaana seminaarkan soo jeediyey Dr Cabdirashid M.Ismaaciil oo ka yimid wadanka Jabuuti kana tirsan Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA), barena ka ah jaamacadaha wadanka Jabuuti iyo Italia ka dhiga luqadaha faransiiska jaamacada Torina italia , jabuutina luqada Somaliga.Seminaarka waxa ka qeybgalay barayaasha ka howl gala magaalooyinki Helsinki ,Vantaa,iyo Espoo.Dr cabdirashiid waxa warbixin gaaban siiyey macallin macallimiin ka mid Xasan Nur oo ka howlgala magaalada helsinki uu u sheegay in ardayda ajaanibta ay xaq u leeyahiin in luqadooada la baro wiigii laba saac,xasan nur hadalkiisa sii wata waxa uu yiri in manhajka cusub uu dhaqan galayo sanad-dugsiyeedka danbe 2016 hadana uu diyaar yahay.Manhajaka la diyaariyey luqadaha ajaanibta waxa aan nasiib u yeelanay uu inoogu jiray macallin Soomaaliyeed Jama abdulkadir kana howlgala magaalada Vanta waana markii ugu horeysey macallin Soomaaliyeed ka qeybqaato sameynta iyo dhisada manhaj, waana guul u soo hoyatay macallimiinta Soomaaliyeed.Waxana uu halkaa inoo sheegay mudane cabdirashiid mahajka jabuuti iyo qaabka uu yahay dhanka luqadaha.Macallimad hawo Haji Aalto iyadana halkaa hadashay ayaa sheegtay caqabadaha hortaagan ardayda ajaanibta.

Dr cabdirashiid ayaa soo jeediyey sida ugu fudud ee arday ku dhasahy qurbaha u baran karo luqadiisa hooyo waxaana dr uu halkaa ka iftiimiyey tusaalooyin talooyin wax ku oo ah. waxa uu aad u iftiinshay doorka uuu waalidka ku leeyahay barashada luqada hooyo. iyo xiriirka maktabadaha .

Dr Cabdirashiid ayaa sidoo ku celceliyey ineysan marna kala maarneyn dhaqanka iyo luqadaba. Dr Cabdirashiid ayaa sidoo kale xusay taariikhdii qaamuuskii ugu horeyey ee uu qoray Cismaan yuusuf keynadiid 1975tii waxaa kale uu halkaas ku xusay iney soo baxeen qaamuusyo kale oo badan loona baahan yahay qaamuusyo dhinacyada casriga ah wuxuuna tusaale usoo qaatay qaamuus cusub oo ku saabsan caafimaadka.balse waxaa mar walba loo baahan yahay qaamuusyada in gudi ama hey’ad dowli ah isla fiiriyaan.

Wadanka Finland waxaa soo bixi doona qaamuus afka soomaliga iyo afka Finishka waxaana buugaas qoray aqoonyahan Liibaan Xirsi .

Macallimiinta ka howlgasha Helsinki iyo nawaaxigeeda waxa ay soo saareen hab casri ah oo ay fudeen kara barashada afka Soomaaliga mashruuca oo ay hirgalisay wasaarada waxbarashada Finland. Qaabkan casriga ah waxa uu wataa sawiro dhaqankaka turjumaya iyo cod sheeko ah. Waxaana laga heli karaa cinwaankan www.edu.fi marka aad taababato cinwaankan waxa ka sii galaysaa, http://edu.fi/verkko_oppimateriaalit.

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)2

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)3

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)4

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)5

Akademiya goboleedka af Soomaaliga (AGA)6

ttp://www11.edu.fi/somali4/ Halkaa taabo fasalada 4-6

http://edu.fi/verkko_oppimateriaalit/103/0/somalikielen_materiaali_vuosiluokille_7_9 .Halkan taabo

Fasalada 4-6 Waxaana sameeyey macallimiinta kala ah .Macallin Jama Abdulkadir ,Macallin Hamdi Abdalla iyo Macallimad Fadumo bile.

Fasalada 7-9 Waxaana sameeyey macallimiinta kala ah:Macallin Abdi Omar iyo Ahmed Sharmaarke..