Flyolympic Diyaaraddii Qiimaha Jaban ku xayaysiinaysay Duulimaadyo Uk Muqdisho ama Stockholm Muqdisho oo Dhacday dhamaan Dadkii ay Tigadhada u jartay kana dansatay Taleefoonadii dadkuu Duulimaad sugayaasha ahaa

Filed under: Wararka |

Dhamaan dadweynaha dagan UK iyo Swedan waxaan lala socodsiinayaa in shirkadda diyaradaha Flyolympic ay dad badan oo gaarayo illaa tiro aad ub badan oo aan la qiyaasi karim Tikidho ay u jareen ama ugooyeen la dhacay, dadkasoo kusocdey London to Mogadishu. AMA Stockholm to Mogadishu Dhowr mar ayay yiraahdeen diyaradda way baaqatey maalin kale ayay uqabtaan markii ugu danbeysey waa 25/07/2013 waxay yiraah deen wax flyd ah majiro leenkii wuu qarxey lacagahiina ayaa la’idiinsoo celinayaa wax lasoo celiyay majiro telkii aya dadkii ka xirteen kii UK qof qabanayo majiro kii Swedan kaba sii daran Emailkii loodiro Jawaab malaha.

Dadweynow waxaa kaloo jira dhacan bareer ah ee loo geystey hooyooyinka iyo caruurta somaliyeed oo jeclaa iney dalkooda hooyo kusoo ciidaan iney usabab noqdeen labo qof oo soomaali ah oo kashaqeynayay shirkada Flyolympic AHMED iyo QADRO oo ayaga la aaminey oo ay Iska dhigeen dad aad ufiican oo aad u hadal macaan ayaga ka masuul ah shirkada markii danbana Telka dadkii ka xertey labadan qof ee somalida ah waxaan leeyahey dadkiina ayaad shisheeye u dhacdeen xoolahii walaalahiina somaliyeed ayaad Greeg iyo qola aan la aqoon jeebka ugu shubteen iyadoo lajoogay bill barkeysan ee Ramadaan ayaad dadkiina dhac u horseedeen tii Rabi meel ayay idiin taalaa xisabtankeeda tii adunkana ceeb ayaa idiin Talaalo waayo maxkamad ayaa idiin sugeyso oo sidaa Laguma dhafayo meel sharci leh baa lojoogaa cadeyma fara badan baa la idika hayaa. Dadweynaha itii wax ka maqan yihiin fadhiga ka ka kaca dacwadiina geeya poliska idiin dhaw AMA looyar lataga dhibkiina. aad baad umahadsantihiin
Waxa Qorey dhibane NuuralaNuur

From: “NUR ALA NUR”
Date: 29 Jul 2014 23:16
Subject: DHACII Flyolympic AHMED iyo QADRO
To:

Warbixintaan waxay u gaartahay Dhibanaha Soo gaarsiiyay warbaahinta Puntlandobserverflyolympic