Gaadiidlayda Wadada Garoowe Gaalkacyo oo Ka Cabanaya Isbaaro Ay Degmada Xarfo U dhigatay

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

cabasho
Gaadiidlayda baabuurta xamuulkaa ee isaga goosha Garoowe Gaalkacyo ayaa waxay ka cabanayaan isbaarooyin aan sharci ahayn oo loo dhigto inta u dhaxaysa Garoowe Gaalkacyo oo ay waliba ugu darantahay Degmada Xarfo.

Sharciyan caalamka aan ku noolahay waxaa jira laba canshuurood.
Canshuurta shayga ama alaabta oo kaliya la ogal yahay in hal meel lagu canshuuro, laakiin aduunka kama shicin hal shay oo dhawr meel oo kala duwan lagu canshuuro.
Waxaa kaloo jirta canshuur tafariikh iyo canshuur Jumlo.

Hase yeeshee gaadiidlayda ayaa sheegay in karaatiintii dekadda Boosaaso laga soo canshuuray oo ay canshuurtooda bixiyeen, hadana markay degmada Xarfo marayeen ay nimankii isbaarada joogay yiraahdeen calaa kartoon baan idiinka canshuuraynaa.

Marka maxaad u malaynaysaa haddii sidaas oo kale ay degmo kasta tiraahdo calaa kartoon baan u canshuuraynaa alaabta.

Waxaana aan ognahay agaasimka kastamka maaliyadda ee degmada Xarfo in uu lacagta soo xaroota toos xafiiska madaxtooyada u geeyo, maadaama uu Madaxwaynuhu soo magacaabo agaasimaha Kastamka Maaliyadda ee degmada Xarfo.

Arrimahan oo dhan ayaa muujinya maamul xumada xukuumadda madaxwayne Gaas oo ku guulaysan wayday in ay baahiso maamulka golayaasha ee dagmooyinka Puntland oo aynan wax maamula ka jirin waxaana ugu daran dhanka maaraynta maaliyadda oo aad moodid in canshuuraha yari toos ugu xaroodaan xafiiska madaxtooyada, ee aan la hirgallin wax maamula oo daacada, waana halka uu nidaam dawladeed ka billowdo oo waliba xukuumadda Gaas lagu tuhmayey in hagaajin doonto

cabashada cabdiraxman cali jama

abashada cabduwali muuse gaas

yasin khalif siciid

cabashda-iidle-cabdiraxman

Gaadi

One Response to Gaadiidlayda Wadada Garoowe Gaalkacyo oo Ka Cabanaya Isbaaro Ay Degmada Xarfo U dhigatay

  1. Pingback: Gaadiidlayda Wadada Garoowe Gaalkacyo oo Ka Cabanaya Isbaaro Ay Degmada Xarfo U dhigatay - Daily Somalia Report