Gaalkacyo Laba Maamul Ma Wada Yeelan kartaa???.

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waa su’aasha ugu badan ee Soomaalidu is waydiiyaan, waana qisa ku cusub dunida hal magaalo oo ay ka jiraan laba maamul Gobaleed oo colaadi ka dhaxayso.

Wixii ka horeeyay soo ifbixii argagixisada dhib kama taagnayn labada maamul ee Gaalkacyo laakiin wixii ka danbeeyay dhalashadii ururka Alshabaab ee intay afka soo duubtaan ruuxii isagoo ku tukanaya masaajidka ku tooganaya ama inta ilma yar soo daroogeeyaan meel dad masaakiina shaah isaga cabaya ay ku qarxinayaan ilmihii yaraa maadaama ay miinada iyagu hab Romote ahaana uga qarxinyaan.

hadaba hadaan mawduuca qormadaan usoo noqdo Gaalkacyo Laba Maamul Ma Wada Yeelan kartaa????.
Waa ay adagtahay in ay Gaalkacyo laba maamul yeelato marka la eeggo wacyiga lagu jirro, waayo haddii ay magaalada laba maamul ka wada arrimyaan waxaa adkaanaysa in magaalada nabadgalyadeeda la wada illaasho.

Waxaa ugu haboonaan lahayd in ay Gaalkacyo hal maaamul ka taliyo oo markaas aan cidna la jajuubin ee dadka walaalahaa ee wada degaa heshiis ku yihiin ee aan cidna la khsabin, hadiise taa la waayo.

Haddii taas la waayo waxaa wanaagsan in Nabadgalyada degmada Gaalkacyo loo sameeyo ciidama Boolis ah oo isku dhafa oo Hoos taga Dfs oo miisaaniyad fiican loo qoondeeyo ciidamadaas isla markaana ay ahaadaan ciidan isku dhafa oo illaasha nabadgalyada magaalada, halka magaalada loo samaynayo soohdimaha dawladaha hoose ee canshuurqaadida iyo maamulidda dhulka oo markaas soohdimahaas qaybna ay hoos tagayso xafiiska dawladaha hoose ee Puntland degmada Gaalkacyo qaybina hoostagayso xafiiska Dawladaha hoose ee Galmudug Gaalkacyo.

Waxaa kale oo las samayn karaa Aag la yiraahdo buffer zone oo ha illaa halkilo mitir u dhexeeya Galmudug iyo Puntland oo ay maamulkiisa iyo nabadgalyadiisa la wareegaan ciidan Boolisa oo isku dhafa oo DFS hoos taga, halka maamuladuna maamulayaan midwalba dhankiisa.

Haddii waxaas oo dhan la waayo Waxaana habboon in degmada Gaalkacyo laga dhiso Gole deegaan ismaamul ka madaxbanaan Galmugud iyo Puntland, isla markaana maamulada Galmudug iyo Puntland uu midwalbaa meel Gaalkacyo ka baxsan ka hirgashadaa maamulo kala hoos imanaya Puntland iyo Galmudug.

Oo Matalan Puntland waxay u guuraysaa meel Gaalkacyo illaa 10 km u jirta oo ay halkaas Gobalka Mudug maamulkiisu hoos tagayo, halka Galmudugna meel sidaasoo kale aan ahayn Gaalkacyo ay magaalo cusub ka samaynayaan oo maamulka Gobalka mudug ee Galmudug uu hoos imanayo.

Laakiin waxaa wanaagsan in degmada Gaalkacyo ay hal maamul yeelato, oo ka kooban ismaamul toos u hoostaga DFS oo ka madax banaan Puntland iyo Galmudug.

Waxaa adkaanaysa in sida ay hadda Gaalkacyo tahay xal lowgu helo, waxaana wanaagsan in caqligu shaqeeyo oo xalku caqliguu ku jiraa, iyo tanaasul fara badan.

Waa haddii midnimo soomaaliyeed iyo DFS rajo laga leeyahay.

Waxaana mustaqbalka laga dhigi karaa degmada Gaalkacyo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, oo DFS ayaa waxay u qoondayn lahayd Budget fiican oo nabadgalyadeeda iyo maamulkeeda lagu illaasho.

Waxaa kaloo laga dhisi karaa Xarunta Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed lagu barbaarsho, iyo Jaamacad wayn oo waliba lagu dhigo Luuqadda Soomaaliga maadaama ay tahay Gaalkacyo meel dhex u ah Soomaali oo lahjadaha kala duwan ku kulmaan

Arrgti weeye

3 Responses to Gaalkacyo Laba Maamul Ma Wada Yeelan kartaa???.

  1. Pingback: Gaalkacyo Laba Maamul Ma Wada Yeelan kartaa???. - Daily Somalia Report