Gaas iyo Nicholas Kay ayaa ka hadlay Xafladdii aasaaska Unsom (Dhageyso iyo Gaas oo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay la heshiiso DFS))

Filed under: Wararka |

Xafladdii xuska aasaaska Xafiiska Unsom Soomaaliya, ayaa markii ugu horaysay lagu qabtay Garoowe, waxaana kasoo qaybgalay Beesha caalamka isimada iyo Madaxda Puntland, waxaana goobta xafladda ka hadlay isimo, Nicholas Kay iyo Madaxwayne Gaas.

Nicholas Kay yaa si kooban uga hadlay Xafiiska Unsom oo uu sheegay in Unsom uu 18 sano dalka ka maqnaa isla markaana uu ku faraxsanyahay in uu naqdo Madaxa Xafiiska oo hadda ka howlgala Kismaayo, Mogadisho, baydho , garoowe iyo Baladwayne.

Waxaan kaloo halkaan u imid in aan dhiso Bridge u dhexeeya Puntland iyo Somalia, waana in Somaliya inteeda kale ka faa-iidaystaan nidaamka wanaagsan iyo sida ay dawlad wanaaga Puntland u samaystay.

Waxaa dhanka kale ka hadlay Isimo, iyo sidoo kale
Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Gaas ayaa hambalyeeyay Xafladda iyo Nicholas Kay,oo uu sheegay in ay tani natusayso Muhiimadda ay Unsom Siinayso Puntland, waayo waxaad ogtihiin in Puntland ay ahayd aasaasihii Dawladda Fedaraalka.

Sida Nicholas Sheegay Puntland waxay diyaar u tahay in ladhiso Bridge-kaas, laakiin qolada DFS ayaa Bridge-kii dubbe la dhacaysa ee waa in ay Dubbaha ay la dhacayaan joojiyaan.

[audio:http://www.puntlandobserver.com/wp-content/uploads/2014/08/Gaas-Nicholas-kay-Unsom.mp3]

Ama Moobiilkaaga ka dhageyso