Gabaldhicii Manhajka Wahaabiyadda

Filed under: Important News,Wararka |

-Waxaa makhraati madoonta ah maanta manhajkii wahaabiyadda uu soo xirmahayo, waana arrinta ka taagan cadale, oo ilmihii kunoolaa meelaha ay nimankaas wahaabiyadda ka talliyaan ilmihii kasoo cararayaan, in badana tuulooyin kalay u qaxeen ama baadiyahay ku dhuumanahayaan.

-Dawladda Soomaaliyeed, Golaha wasiirada, Raysalwasaaraha iyo Madaxwaynaha, labada Gole, iyo qofkastoo Soomaaliya oo damiir leh, in wiilashaas kasoo cararaya nimankaas cadowgaa in gurmad loosameeyo, oo ku saabsan xagga diinta, xagga waxbarashada iyo xagga nolashaba.

– Arrinta argagixisada lagula dagaalamahayo ma ahan xabad kaliya ee waa in uu daba socdo dagaalka caqiiqaduna waa in uu dabasocdaa kan xabadda.

-Dawladda Soomaaliyeed waa in ay wax allaale wixii iskuul ahaa ay dawladdu gacanta ku dhigto, maamul goballeedyadana ay kala tashato.

-Manhajkii wahaabiyadda ahaa in meesha laga saaro iyo macalimiintiisii, dawladuna dad wanaagsan u qabato, macalimiiin wanaagsan in loo qabto, oo caqiidadooda la ogaaday.

-Sidaas si lamida masaajidada iyo mawlacyada iyo dugsiyada quraanka waa in la ogaado waxa ka socda, oo manhajka wahaabiyadda meesha laga saaro, oo dadka caqiidadoodii hore dib lowgu soo celiyo, oo qoriga lagala dhexbaxo, walaaltinimadii iyo jacaylkii iyo soomaalinimadii dib loosoo celiyo.

-in badan oo xafiisyada dawladda iyo maamul gobaleedyada fadhida baa jira, waana in dawladdu arrinkaas ogaato oo la socoto.

-Waxaas oo dhan waxaa ka sareeya, in ciidanka Booliska, iyo sirdoonka la dhiso, oo caqiiqadooda la illaaliyo oo dib loo dhiso, oo lasoo celiyo akhlaaqdii iyo wanaaggii iyo qaranimadii iyo sharaftii ay Boolisku umadda Soomaaliyeed  ku dhexlahaayeen.

-Waxaan kula talinaynaa Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha iyo gudiga fullinta, xafiisyadooda in ay marka hore ka sifeeyaan nimankaas wahaabiyadaa, si aynan xog uga bixin qorshaha ay dawladdu dajinayso, haddii loo  baahdo, in baddan oo xafiisyadaas fadhiya fartaan ku fiiqaynaa, laakiin dadku waa isyaqaanaan.

-Dagaalka nimankaas lagula jirraa waa in uu si simman u socdaa, oo aan loo kala harrin caqiido, iyo xabadba, waana in uu meel kasta ka socdo, oo national plan la qaato, oo ragga nimankaan aqoonta u leh la raadsho.

 

Fiira gaara.

Meesha la yitaahdo Beer ee Burco u dhaw, ninka layiraahdo Sh Cali Warsame, iyo Wiilkiisa layiraahdo Maxamed oo ku jira Golaha wasiirada Somaliland, iyo Xasan Dahir Aways waxa ka dhexeeya waa naqaan iyo dagaalka koonfurta iyo Galgala laga wado.

Ninka u kala dabqaada Hargaysa iyo Beer, iyo Garoowe iyo Muqdisho iyo Boosaaso ninka layiraahdo Sh Bashiir Axmed Salaad waa isku xire, hadana waxaa loo magacaabay madaxa culumada Soomaaliyeed, waana ragga keennay fikirka wahaabiyadda Soomaaliya, iyo rag kale oo haddii loo baahdo aan xabad xabad u sheegayno.

 

Qore Warsame Axmed.

-Afeef

qoraalkaan wuxuu gaar u yahay qoraaga, haddii ay qolo cabasho ka qabto hanasoo gaarsiiyaan fikirkooda waa u daabacaynaa.

Waxaa kaloo wanaagsan in aan Soomaaliya lala soo aadin fikradaha siyaasadaysan oo hadana diinya lagusoo dhex maldahayo ee ay dawlado shisheeye maalgallinyaan, dawladahaas oo dalalkoodu nabad u yihiin.

 

 

Daawo Caruur Farihii ka batay Degmada Cadale Oo Kasoo Cararay Alshabaab

 

One Response to Gabaldhicii Manhajka Wahaabiyadda