Gabay:Farmaajona maagi mayno By Nasro Ahmed Xabay

Filed under: Important News,MAANSOOYINKA,Wararka |

nasro axmed

Kadib markii Qalbi-dhagax loo dhiibay Itoobiya, waxaa ka faa–iidaystay qolooyin mucaarad ku ah dawlad soomaaliyeed oo ku kacay Farmaajo.

 

Hadaba gabadh yar oo abwaanada Nasro Ahmed Xabay ayaa tixdaan yar   barteeda facebuugga soo dhigtay, waa tix si xigmadaysan u sharaxaysa xaqiiqda dhacday

Farmaajona maagi mayno mayno
♧Fudaydna ku tuuri mayno
♧Dacaayado faafin mayno
♧Muwaadinka la iska feentay
♧Cadowga ku fiirsan mayno
♧itoobiya fooxis keeda
♧fashilintiyo kaartadeeda
♧marnaba fursad siin ba mayno

♧Fadeexiyo been abuurka
♧Shisheeyuhu soo faneeyo
♧ Dalkeenana lagu faduusho
♧Farteena ku fiiqi mayno
♧Falaadha ku jeedin mayno

♧Waroo dhami waa ka fiirsi
♧falkiisuna waa u kaadsi
♧waxay fulayadu qoraana
♧Fariimo u qaadan mayno
♧Fariidana moodi mayno

♧inagu faadh faadhi mayno
♧Faqeena ka yeeli mayno
♧Faquuqay nagu wadaana
♧Folkaaniyo waa dhirbaaxo
♧Fataalada soo dhiseene
♧Dadkeena ku fiirsan mayno

♧Siyaasadan fuuq baxaysa
♧Dadkeenana lagu falaayo
♧Xanuun kuna uu ku fidayo
♧Furaashka ugeyn ba mayno
♧Dharkana kaba faydi mayno

♧Markaynu fayowgi gaadhnay
♧Hadii faash iyo bilaawe
♧Madaxa laynaga fanuunsho
♧jidh kuba waa fuuraaye
♧Hadeer fahansii u jeedka
♧Dhamaanba fid noolayaasha

♧Fadkiyo madaxaa hilaacay
♧Fantiyo haka dhigin belaayo
♧Ku dhiirada qawlka fiican
♧ka gaabsada fool xumaanta
♧Facaaguna yuu ku dhaafin.