Gabaygii wayga garanuug : Waxaa Tiriyay Shire Yuusuf Axmed(ina yuusuf yeey)

Filed under: Important News,Wararka |

Shire Yuusuf Axmed(ina yuusuf yeey) oo ku magac dheeraa Shire
quube,waxaa uu ahaa gabyaa ka mida foolaadda abwaanada
Soomaaliyeed.waxa uu ahaa abwaan gaaso-baxay,gole-ka fuul aad mooddo
in gabaygu afka ka saarsaaranyahaygaranuuge
kara.Waxa uu tiriyay gabayo noolaa aad uculustahay.Nasiib darro!
suugaantiisii badankeedii waa luntay
laga hayana goos goos bay ubadanyihiin.

Aan dhawr gabay kasoo qaadano suugaantiisii.

1.Gabaygii wayga garanuug

Waxaa layiri xilligii dawladii kacaanku jirtay baa nin la oran jiray
Bulxan warsame Awdoon gabar uu dhalay waxaa xamar ku guursaday nin
reer Shiikh madhibaa.Odaygii xamar buu aaday.Ninkii buu ku yiri iifur
gabadhayda,laakiin kacaanku waa tuu qabiilka aasaye odaygii jeelkaa la
dhigay.Muddo hadduu xirnaa waa lasoo daayay odaygii waxaa lagu yiri:
“Mar danbe lagaama maqli karo warkaas”.Bulxan baadiyihii buu isaga
laabtay.Shire yuusuf oo ka xumaaday dawladda kacaanku siday yeeshay
gabaygaan buu tiriyay,Wuxuuna yiri:

Geeraarka iyo maansadiyo,giibta iyo jiibta

Haddaan gabaygu qodobkiisa wadan,wayga garanuuge

Ninkii guniyo naagtii gurracan, wayga garanuuge

wadaad kii gar eexaad naqaa,wayga garanuuge

Boqorkii guddoon baas ridaa,wayga garanuuge

Waayeelkii gabooboo gefaa,wayga garanuuge

Naagahaa gondada qaawiyay,iyo gaadadiyo laabta

Oo gaariyaashiyo ku jira,gurada baabuurka

Oo giniga loo tuurayaa,wayga garanuuge

Garoobkii rag hore soo eryoo,gegida loo cayrshay

Goortay magaalada gashay,gogol casaysaaye

Googarad xariiriyo maryay,idinku gaadaaye

Gaddeedii horeetay rabtaa,garanna maysaane

Garfaannada is dhay dhayahayaa, wayga garanuuge

Garabweyn gu’geedii batoo,guudka ka idlaaday

Oo naasihii golosh noqdeen,amase gawriidha

Gabaw Laguma naco gabar goboo,guurku waa calafe

Haddayse gaari tahay uumiyuhu,gelin ma daayeene

Waxba yay gungume xoogle iyo,geesi iidhaline

Guumays gayaankeedii nacay, wayga garanuuge

Naagtii galaayuus yaqaan,amase guuguule

Oo aad galaw aroortii ciyiyo,sida gallayr moodo

Oo aan edebtu waa gobonimee, gaabsan,hadalkeeda

Gasi iyo cabeeb kama tagtoo,wayga garanuuge

Naagaha middii gaabanoo,gilicsanoo foolxun

Garruun iyo midddaad labada law,gumar sideed mooddo

Tay luguhu soo godanyihiin wayga garanuuge

Garba dheerta sida wiil golxale,golongol liicaysa

Oo aan garaariyo lahayn,gacamo laalaada

Gosheedaba middaan xiran aqoon,wayga garanuuge

Naagtii sidii geel cayilay,garabku weynaaday

Oo farawgu gaaddada ebyoo, cududu giig beeshay

Gaaleebalaydaas qurmoon,wayga garanuuge

Gaagaabta xoolaysatiyo,gumaha tii dhaaftay

Haddii ay gumeerradu kacdoo,laysu gacan qaado

Ama gammuunadu dhacaan,garagal weeyaane

Gonda noqoyay wiil reer abtigi,geela raacsadaye

Gabdhaheedu waa magangalyoo,wayga garanuuge

Garta Eebbahay iyo sharciga,gaal manaqahayne

Ninkastaaba guusha ha watee,lama gudboonayne

Gadahay casrigu soo rogeen,baanan garanayne

Alleelahay gunaashkay wadeen,gocondho weeyaane

Wax la yiri dadkii ways gayaa,gaaliyo islaame

Gabdhihii qurayshtaa bidduhu, gogol la jiifaaye

Gaalshire haddii la idhigoo,lay ganaaxaayo

Kuwaan horaba loo guursan jirin wayga garanuuge.

2.Gabaygii Godob-yar

Alle ha raxmee Shire waxa uu dagi jiray hawdka degmada Buurtinle gaar
ahaan tuulada Magaclay.Reer miyi buu ahaa sida Soomaalidu
ubadantahayba.Dhulka la yiraahdo Ciidda iyo kan Cadduun ee Gaalkacyo
bariga ka xigaba midna ma uu jeclayn.

Alle ha unaxariistee nin la oran jiray Diiriye mulaaq baa sheeko
matalaada ciid nacas ka sameeyay.sheekadaas dacaayad bay ahayd
haseyeeshee,waxay muujinasay sida ciidku ahaa marka hawdka la fiirsho.

Arrinta aan kor uga hadal nay isagoo ka gabyaya Shire wuxuu yiri:

Dalka meeshaad barataaba,waa dahab sidiisiiye

Dusha Eerago iyo rag baa,dagaya maygaage

Aniguna dohdaa shilinta laan,deeq ka sugayaaye

Waxaa Daayinkay igu ogyahay, Dawdii Magacleeye

Hayeeshee dalkii kala bartoo,daafta soo maraye

Dameerka iyo Bacadley fakhriga,daris wadaagaane

Kama dago dushaa jiica liyo,dalaq yadeedaase

Waxay awrtu iigu doodantahay,dooxadaa Godobe

Docda bari haddaa ugu kacdana,daakhil kula aadye

Daran geelu kama gaaro iyo,ceel dihnaan badane

Inay meeshu dagal gaajo yahay,Diiriyaba sheegye

Aniguna wuxuu uga durkaan,kaga digtoonaane

Haddii aan dakano iga kaxayn, dacalladaas hawdka

Ama aan daruuraha gu’giyo,dayrtu iga eexan

Damci maayo ciid nacas inaan,dib ugu guuraaye

Dahabse weeye meeshii tolkaa,daarku leeyahaye

Anigu mooye soo daawashiyo,waxaan ka doontaa.

______________________________

Xasaraddii way faaftay waxaa jiray gabay ‘Godib-yar loo sheeg’ la oran
jiray oo koox reer magacley ah tiriyeen.Kooxdaasi shirey ka dabo
shaqayn jireen oo Intay gabay isku duwaan bay faafin jireen si loo
moodo in uu shire tirshay.

gabaygan hoose wuxuu la xiriiraa kan kore. sheekadii Diiriye way
baahday,gabaygii Godobyar loo sheeg na isna meel walba waa looga
sheekaystay.Maalin baa Shire AHUN wuxuu tagay tuulada Godob-yar.Nin
baa ku yiri “waxaa tahay eeygii saddexda tuulo qurmiyay”,isagoo ula
jeeda Balli-dacar ,Qoriley iyo Godob-yar.
Abwaan ku wuxuu gabayga ku sheegay in wixii dhacay hadday tahay
colaad,baraago burburin,abaar,iyo ceebaha tuulada lagu sheegayba uusan
samayn sababna u ahayn.
Wuxuu yiri:

Allahayoo maxaan galabsadoo,laygu goob juciyay?

Gashigii horoo jiray miyaan,guuto badan laayay?

Gargar laygu qaybsaday miyaan,gooshki bixin waayay?

Ma anigaa gabbaday idinka oo, cadaw garaacaaya?

Guryihiina ma anigaa galoo, garacyo uureeyay?

Ma ganboolay oday leeyahaan,gelin usoo doontay?

Maxaa lay gurrayn maanigaa,gdobyar ceebeeyay?

Mise wixii geyiga Soo Maraan,galawgu sheegaynin?

Gu’gii fiicni soo gaxandha iyo,garac ma reebaayo?

Soo garabcad kuma beeri karo,geelu xeradiisa?

Garta xiranta gaaliyo Islaam,Soo la gurin maayo?

Maynagaa geyiba wada dagnoo,goobba wada joogna?

Ma geel baa isugu keen jiriyo, guuya iyo xoolo?

Maxaa lay gurrayn ma anigaa,Godobyar ceebeeyay?

Mise wixii geyiga Soo Maraan, galawgu sheegaynin?

Galaayuuska ma anigaa diroo,Gaalkacyaw yeeray?

Ma anigaa gubniga Soo tumiyo, guutadiyo fooska?

ma anigaa gumeerrada dalboo,goondharrada keenay?

Salaad ma anigaa gabawaroo,gonof yadaw qaaday?

Ma anaa gisaasac ugu daray,nimaan surkii gooyo?

Ma anigaa garraray xoolihii, gacalku miineeyay?

Gacmahayga ma anaa biyaha,ugu galaameeyay?

Ma gurbood yar baan ahay,intaan godobta xiisyanin?

Maxaa layg gurrayn ma anigaa, Godobyar ceebeeyay?

Mise wixii geyiga soo Maraan,galawgu sheegaynin?

3.Waa ka garataa
Gabaygan ujeedkiisa weli maana helin, waa gabay qiimahiisu Aad
usarreeyo.Wuxuu yiri Shire Yuusuf:

Nin hadduu gabooboo cirradu,gooshka ka caddaato

Garka iyo haddii shaarubkiyo, madaxu giiryeesho

Gadoobkiyo arwaaxiyo hadday,soo gotaan dhabarku

Geeddiga ma gaaroo rataa,loo gurguriyaaye

Gafla inuu urooriyo inuu,gaabshay socodkiisa

Gudubkuu tallaabada udhigo,baa ka garataa

Haddii reer ku goor gaaban dago,amase soo guuro

Gol bannaan haddii lagu furiyo guri la oodaayo

Wax ma goyso gudintii afyari,geed haddaa jarine

Hadba siday garaacdeedu tahay,baa ka garataa

Goonbaarta waa lagu yaqaan,gununuc shaydaane

Adigoo waxba ugaysan bay,Caro is guuftaaye

Sida geela hawdoo kalay,gaatir leedahay

Go’yaasheeda jeermiga ku yaal,baa ka garataa

Gabdhihii la garanwaayayoo,guudad laga waaye

Garoob middii Inan ahayd,gaafku wada laacye

Masar gini dhan laga soo baxshay,gibilka saareene

Goortii aroos loo gingimoo,aqalka loo geeyo

Gaari wada suu umaro,baa ka garataa

Alla gawracyoow muudalkii,gurani waa liide

Gafuur buurka kama maarmi karo,gocor wax haystaaye

Maantii guddoon lagu heluu,gees ucararaaye

Gargarkii ku qaybana xumaa, lagaaga gooyaaye

Gobta uma miciiniyo Intay,gacal wadaagaane

Gabbalse dumay hadduu kugu qabsado,guriga reerkiisa

Inkastuu isgaalgaalliyoo,gacanta kuu dhiibo

Gaajiyo harraad inuusan bi’in,baa ka garataa

Ma gidaado deeqsigu martidu,goor kastay timide

Gogoshiyo dabkiyo xaabaduu,gaban uqaybshaaye

Intaan maalku soo galin qaxwuu,idinku gaadaaye

Gool kuu qalyaa iyo irmaan,kuugu godol yaaba

Golna inuusan kaa seexanayn,baa ka garataa

Nin haddii garaad laga dhigtoo,gibilka loo waabo

Go’yaashiisa caanaha haddaad,galax ku iidaanto

Gammaankii fardood iyo haddaad,geenyo soo badadho

Galool mayraxdiis iyo haddaad,gumar ku xeegayso

Gu’yaal baa la fiirine haddaad,gunidid xaalkiisa

Garta inuu la leexdiyo inuu,gole ka toolmoono

Guddoonkiisu meeshuu maro,baa ka garataa

Hadday baqali neef gaaddo weyn,murama gaarsiiso

Wax gammaanku daaqaba haddii,guluf lasoo sheego

Goortay farduhu gaalibaan,baa ka garataa

Gaarida anoon caayahayn,godob na saaraynin

Gaadiidka iyo xoolihiyo,guutadiyo maqasha

Giddigiiba reerkoo dhan bay,gacan ku haysaaye

Gogoshay dhigtaayo haddana, cago dhaq gaysaaye

Gasabkay umaamuli lahayd,baa ka garataa.

Waxaa jira hal-xiraalayaal uu shire leeyahay soomaaliduna isticmaasho
laakiin, aysan u aqoon in uu iska leeyahay.

Waxaa la oran karaa waa kuwa nin furi karaa yaryahay,waxaa kaaga sii
daran kuwo allifaadooda loo fekeray maahayne markii laysu tirinayay
madal dad boqol ku dhaw joogaan bay ahayd.Shire yuusuf intii la
waydiiyay waa wada furay isagaana maantaa guusha qaatay.Ganbo-wilif
laftiisu gabyaa maaciya buu ahaa oo aad umiisaan culus maantaasna
inyar maahee xujooyinkii shire waa uu gartay intuna waa inta looga
guulaystay.

Hal-xiraalayaasha waxay is dhaafsadeen nin ay sannado isku gabyayeen
oo Ganbo-wilif la oran jiray.waxaa ka mida:

1.Wax guduudan oo geelu dayo, uu ka wada goojo

Haddaa garato geesaa tahoo,gabayga kuu daayay

Haddii kalase giiryaalahoow,gaabso hadalkaaga

Nin gaboobay oo aan gudnayn,Oo garku caddaaday

Oo xilo ku gawriirsadoo ceebi,wali gaarin
Haddaa garato geesaa taboo,gabayga kuu daayay

Haddii kalase giiryaalahoow, gaabso hadalkaaga

Biyahoo gubtaan yoonaya,oo god qodanaaya

Qoraxdoo hallay guba lehoo,garab ka taahaysa

Ama geeridii oo wixii go’ay,u ooyaysa

Haddaa garato geesaa tahoo, gabayga kuu daayay

Haddii kalase giiryaalahoow, gaabso hadalkaaga

2.Wax qafilan qorrax maalin iyo,qabaw habeenkii ah

Haddaa gabay nin qaaliya ku tahay,qaafka ka hikaadi

Haddii kalase iga quusataye,qarafso raadkayga

Gudcur qama habeen qaarka tagay, quuyo kala oodmay

Nimay labada dhegood qamtahay,cidina qaadaynin

Oo kobtuu markaa qaban lahaa,qunu abbaaraaya

Haddaa gabay Nin qaaliya ku tahay, qaafka ka hikaadi

Haddii kalase iga quusataye,qarafso raadkayaga.

4.Dig dheh

Gabaygaan waa kala lunsanyahay intaas yar baana ka hayaa.wuxuu ku
aadanaa maantii Geel-woojis isaga iyo Ganbo-wilif laysugu keenay,saad
ka aragtaan waa gooddi.Wuxuu yiri:

Dig dheh oo dinnaah yayn dhahoo,dininigtaydii dhe

Gabaygayga lacag daadsan iyo,diirka ganiyaad dhe

Dukaan shaaba daas lacag iyo,doollar iyo foos dhe

Dakad layska fuuliyo furda aan,laysku diidayn dhe

Dul maraale duud la harsadiyo,damallo waaweyn dhe

Dawaarkii harqaankiyo maryaha,wada dul saarnaa dhe

Dayuuradaha samadaa Maroo,daalin waligood dhe

Maraakiib dawaaftiyo xamuul,soo dig yiri xeeb dhe

Dabaylaha xagaagii dhiciyo,bad iyo duufaan dhe

Waxba yaanan maansada dildilin,dirito weeyaane

Dudunkeedu meeshuu ku dhacaan,diirka ka caddayne

Doofaar ma galo ceel hadduu dawlis dheeryahaye

Meeshii buq iyo daran leh buu,daraygu xaabaaye

Duqsi caano waysagaa dhacaa,waw dabaal melege

Sida deeradii goorta aan,dabada kaa cayrsho

Duubiyada markaan kaa jabshaad,iga durkaysaaye

Inta kalase daar daaro waa,dininigtaadiiye

F.g gabayada uu leeyahay Alle ha u raxmee abwaan Shire Yuusuf ma aha
kuwa kooban,hadda qaar ka haysid maalin kasta waxaa maqlasaa mid kale
oo la marinayo.

W/Q:Cabdullaahi Shire Yuusuf

One Response to Gabaygii wayga garanuug : Waxaa Tiriyay Shire Yuusuf Axmed(ina yuusuf yeey)

  1. Pingback: Gabaygii wayga garanuug : Waxaa Tiriyay Shire Yuusuf Axmed(ina yuusuf yeey) - Daily Somalia Report