Ganacsatada Muqdish iyo Ninkii Dagaal Xiisa U Qabay ama Taageera Fikirka Alshabaab Fadlan Daawo Sida Ay Dagaalada Isis U Galeen Magaalada Mosul/Iraq

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool ganacsato taajirno iyo qaniimad ka sameeyay intii ay Soomaali dawlad-la’aanta ku jirtay.
Ganacsatadaas iyo kuwa kaloo badan ayaa taageera ururka Al-shabaab si aynan Soomaalida dawlad uga hanaqaadin iyana ay usii taajirraan.

Waxaynan marna talada ku darsan in haddii ay alshabaab Muqdisho qabsato, aakhirka uu Muqdisho ka dhici doono dagaal, kaas oo lamid noqonkara mid u eg midka Mosul/iraq burburiyay malaayiin shacab ay ku nafwaayeen, kuna fakhriyeen.

Hadaba ganacsadow ka fakar cawaaqib xumada danbe ee ka dhakankarta ficiladaada maanta, oo haku qancin mac-macaan maalmo-kooban oo ay ka danbeeyo xisaab aakhiro, iyo mid aduun.