Ganacsatada Reer Gaalkacyo Ee labada Dhan oo Wada Dadaalo Nabadeed Kadib Markii Ay Cadaatay In Oday Dhaqameedkii Barkood La Laaluushay

Filed under: Important News,Wararka |

nabad
Magaalada Gaalkacyo oo ay bishaan dagaalo aan waxba la iskula harrin ka socdeen waxaa arrinkaas arrin ka gadisan ku guulaystay ganacsatada reer Gaalkacyo ee labada dhan oo hal Suuq ku wada ganacsanayey.

Suuqa u dhexeeya xaafadaha Baraxlay iyo Israac ayaa ah suuqa ugu wayn Gaalkacyo, waxaana jira laba dabakaayo oo isku dhagan oo midna ay canshuurteeda Galmdug ka qaadato midna Puntland, waxaana intii dagaalku socday isballansaday ganacsatada gaalkacyo ee labada dhan, oo isku ballansaday in aynan caadifadda qabyaaladeed ee meelaha fog fog laga soo abaabulay darteed aynan isku layn.

Waxaana socday ganacsigii suuqaas, oo laba dabakaayo oo isku dhegan baa midna waxaa fadhiya nin beesha sacad u dhashay midna nin beelaha daaroodka ee Gaalkacyo waqooyiga ka dega, halka magaalada dusheeda madaafiic la isla dhacayey.

Hadaba markii laga warhelay in Nabadoonadii badankoodu ay la shaqeeyaan Madaxda dalka ugu saraysa oo ay madaxdii ku milmeen oo markasta amarka madaxda ku shaqaynayaaan ayay Ganacsatadii hadda waxay wadaan dalaalo nabadeed oo rajo fiican laga muujiyay, iyagoo la shaqaynaya nabadoonada aan laaluushka ku shaqayn.

3 Responses to Ganacsatada Reer Gaalkacyo Ee labada Dhan oo Wada Dadaalo Nabadeed Kadib Markii Ay Cadaatay In Oday Dhaqameedkii Barkood La Laaluushay

  1. Pingback: Ganacsatada Reer Gaalkacyo Ee labada Dhan oo Wada Dadaalo Nabadeed Kadib Markii Ay Cadaatay In Oday Dhaqameedkii Barkood La Laaluushay - Daily Somalia Report