Garaad Aadan iyo Garaad Faarax ‘Wiil-Waal’ [Sheekooyinka ‘Wiil-Waal’]

Filed under: Aqoon-kororsi,Important News,Sheekooyinka,Wararka |

Shire Jaamac Axmed

Shire Jaamac Axmed

 

Garaad Aadan iyo Garaad Faarax ‘Wiil-Waal’ [Sheekooyinka ‘Wiil-Waal’]

Reerka Geri Koombe la yidhaahdo, ayaa beri ku caasiyey caaqilkoodii, Garaad Aadan. Geri Koombe waxay, intoodii badnayd, ku tashadeen in ay Garaadka ka horyimaaddaan. Waxay ilaa heer damceen in ay dilaan.

Garaad Aadan iyo Garaad Faaraxna saaxiibbo ayay ahaayeen. Dabadeed, Garaadkii Geri ayaa talo ‘Wiil-Waal’ ugu tegey. Wuxuu uga warramay wixii dhacay oo dhexmaray isaga iyo tolkiisa. Garaadku wuxuu ‘Wiil-Waal’ weyddiistey garab iyo gaashaan.

‘Wiil-Waal’ wuxuu Garaad Aadan u mariyey tix gaaban oo Geeraar ah. Wuxuu yidhi:

“Haddaad dawladda weydo,

Anna taydu weydowday!

Haddii lowgu ku wiiqmo,

Anna waan wakiyaa!

Haddaad weer isku jiiddo,

Anna waan isku waabi!”

Waxaa kaddib la wariyey in ‘Wiil-Waal’ uu Garaadka Geri Koombe siiyey wuxuu doonayay. Afgembigii lala damacsanaana uu ka badbaadiyay.

Shire Jaamac Axmed

Luulyo, 1967

 

One Response to Garaad Aadan iyo Garaad Faarax ‘Wiil-Waal’ [Sheekooyinka ‘Wiil-Waal’]