Garaadka Beelaha Daarood Garaad Ciid Oo Beesha Caalamka Ku Dacwaynaya Dalka Ingiriiska, Michael Keating Iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Filed under: Important News,Wararka |

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, garaadka beelaha Daarood ee Puntland ayaa dalka Ingiriiska ku dacweeyay caalamka.

Garaad ciid ayaa sheegay in uu Ingiriisku waligiis taageeri jirray beesha Hargaysa, Michael Keating xoghaya Soomaaliya qaramada midoobay u jooga uu Ingiriis iyo beelaha Hargaysa waxlawdo.

Garaadka ayaa sheegay in beelaha Daarood duullaan lagu ahaa muddo 27 sano ah, intaasna Soomaalinimo darteed u dulqaadanayeen.

Garaadka ayaa sheegay i Ismaaciil Cumar Geele uu yahay Dilaal waynaaday, isla markaana deegaanada gobalada waqooyi ee beesha daarood dushooda iyagoo nool lagu kala dilaalayo iyadoon waxba xitaa lagala socodsiin oo magacyo lala baxay sida Somaliland oo awalba Ingiriis bixiyay, hadana uu kow Ingiriisku dilaalkaas ka yahay.
Hoos ka dhegeyso hadalka garaadka.