Garacad oo ay Booqanayaan Wefdi Shiinaha ah oo la sheegey in laga yaabo in ay Maalgelin deegaankaas ka fuliyaan

Filed under: Wararka |

Wefdi ballaaran oo isugu jira Shiina, Dawladda Puntland iyo Gobolka Mudug ayaa Gaaray Deegaanka Xeebta ah ee Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Wefdiga oo oo ka kicitimay Magaalada Gaalkacyo yaa gaaray Garacad. Wefdigan oo ka kooban wefdi ka socda Dawladda Shiinaha, Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigey, Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, Qaybaha kala duwan ee Bulshada Gobalka Mudug iyo Qurbajoog.

Ujeedada Waftiga ayaa ahayd indha indhayn suurta galnimada Maalgashi lagu sameeyo Gobalka mudug iyo sidoo kale in Dawladda China ay Puntladn ka caawiso Dhisidda Kaabayaasha dhaqaalaha Gobalka Mudug, sida dhismaha Dekadda Garoonka iyo Wadada Garacad iyo Goldogob isku xidha.

Waftiga ayaa si heer sare ah lowgu soo dhaweeyay dhamaan meelihii ay Bookhashada ku marayeen.

china garacad

china-garacad

.