Garashada Sirgaxan

Filed under: Aqoon-kororsi,Sheekooyinka,Taqwada,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

Cabdishakuur Cali Nuur

 

Garashada Sirgaxan

Nin ayaa culimmo ka maqlay maalinta qiyaame cid kasta Eebbe in uu garsoori doono. Xayawaanka kol ay ku tahay, sida rida geesaha leh oo geesaheeda midda aan geesaha lahayn ama seenyoon ku disha. Waxaa la oranayaa: ”Intii lagugu dhuftay ama laguu geeystey markaad adduunka joogtay, ka aargooso ciddii kuu geesatay!”

Maalin dambe ayuu ninkii isha ku dhuftay ri’ seenyoon oo diricad ah oo mid geeso leh si xun u dishey. Ninkii ushiisii ayuu la booday oo ridii wax dileysey la aaday. Dad meesha ka ag dhowaa ayaa ku yiri: ”War maxaa jira?”

Kuye: ”Maxay imminka u dileysaa, waayo maalinta qiyaame ayaa loo garsoori doonaa oo midda geesaha lihi haddii ay horay u dishey la oran lahaa, ’Seenyooneey, ka aargooso wixii ay adduunka kugu soo yeeshey!’”

”Hadda, garo! Waxaa dilku u bannaan yahay midda geesaha leh oo keliya. Tan kale waa qiyaame-sugto, adduunka far ma nuuxin karto.”

’Waa maan guracan iyo garasho jaan!’

Sidaa si la mid ah ayaa la moodaa in adduunku uu guddoonsaday in dunida nin cad oo hubka haystaayi keligii wax dili karo. Inta kalese ay sugaan aakhiro oo loo cadaabi doono kolkii aakhiro la tago. Ciddii il xun ku dhugatana tahay kuwo gardaran lagana dhigayo ’tuke canbaar leh’. Cidda la wada dilayo iyaga uun baa sheegaya, kuwa adduunka oo dhammi la coloobayo iyaga ayaa diwaanka ku qorahaya. Mar haddii diwaankaas lagu qoro saacad ka dib qofkaasu geed uu harsado heli maayo.

Garashada sirgaxan waa sababta dad wada ashahaadanayaa isu dilayaan waa sababta la isu afgaran la’ yahay, waa sababta aad u maqlayso Shiikh Dhab-dhab baa Shiikh Qururux ku shahiiday. Wax kalena maaha nusuustii diinta ayaa meel khaldan loo gees iyo gafuuriyey. Caro iyo caaddifad iyo fudayd lagu laray oo inta ummaddii Ilaahood laga xigsaday, la  leeyahay: ”Eebbe dartii ayaannu wax u dilaynnaa”. War, Alle dartii wax u dilimaysaane, Rabbi dadkiisa ha ka laynnina!

Aragtida ama garashada sirgaxni, gebi ahaan, kama duwana sida ninkaas usha kula durduriyey rida oo u arkayay in Alle ay caasiday.

Cabdishakuur Cali Nuur