Gardarro Ma Guulaysato

Filed under: Important News,Wararka |

Gardarro Ma Guulaysato

Xalaalmaale ayaa mar qur ah qarxay oo xanaaq dartii budh weyn soo qaatay oo Xubeeraale madaxa jebiyey, kaddib kolkii gardarro iyo maag aan geed loogu soo gabban muddo aad dheer uu u dulqaadanayay oo walaalnimo, xididnimo iyo jaarnimo xeerinayay.

Rubuc qarni in ka badan ayaa Xubeeraale gabbal dhaca iyo waa guduutaba Xalaalmaale warasadiisa uu gumaadayay. Wuxuu dharaar walba xantoobsanayay oo xabkaysanayay xoolaha Xalaalmaale. Xubeeraale waa xaqire xaqa walaalkii. Waa xishoodlaawe xambaarta xoolo aanu lahayn. Waa xaaraanquute aan xalaasha aqoonnin. Waa xeerlaawe garna gelin kana bixin. Waa xantiir ninkii xoolo leh neceb. Waa taroox xada oo dhaca hantida jaarka. Waa xuudheeye intaa socda oo aan meelna gaadhinnin. Waa af-ku-xoogsade xaraf iyo erey run ah ku hadlinnin. Waa xarbi iyo dagaal-u-taagane oo intaa xabbad rida. Waa xantiir bililiqo-ku-nool ah. Waa xishoodlaawe aan xadhig Eebbe haysannin.

Xubeeraale ayaa qaylo afka shubtay: “Hayaay, waawareey! Ma nooli oo nin baa i diley oo jilbaha iyo daamanka i wada jebiyey oo aqalkaygii iga saaray. Tol haddaan ka dhashay, ninkaa ha layga dhiciyo.”

Xalaalmaale ayaa yidhi: “War, fac-ka-fac ayaan xorriyaddoone ahaa, xarragaddoone ahaa, wanaag xeeriye ahaa, xabbaddiide ahaa, xurmo derisnimo doone ahaa, xishood iyo sabbur lahaa, xigtannimo iyo xididnimo ilaashe ahaa, xilkasnimo lahaa, xaal-asture ahaa. Imminka iyo wixii ka dambeeya kuu dulqaadan maayo. Jinni iyo Isni, aniga iyo adiga, wax ina kala saari doona ma jirto. Cid kastana waa ogtahay in aad gardarrantahay.”

Xubeeraale wali wax u soo gurmada ayuu dhawrayaa.

“Gardarrooy ninkaagii adaa, gowracaa badaye.” – Dhoodaan

Gobaad Cumar Guuleed

London, 17.10.2016